Kumuu Ahaa Qofkii Sababta U Ahaa In Juan Sebastian Veron Si Fiican Ula Qabsan Waayo Manchester United? – Laacib Xilligaas Joogay Old Trafford Oo Lagu Eedeeyey

Sannadkii 2001 ayay Manchester United qasnaddeeda u jabiyey halyeygii khadka dhexe ee reer Argentine ee Juan Sebastian Veron, waxaanay ka bixisay lacag dhan £28.1 milyan, laakiin waxa uu safka hore kaga jiraa xiddigaha fashilmay ee ku jira liiska khasaaraha Man United.

Sababaha keenay in Juan Sebastian Veron uu saldhigi waayo Old Trafford, ma jirto cid xog rasmi ah ka haysa oo illaa hadda ka hadashay, hase yeeshee halyeygii Rio Ferdinand ayaa markii ugu horreysay arrimaha bannaanka keenay, waxaanu eedda oo dhan dusha ka saaray kabtankii kooxda Roy Keane oo uu tilmaamay inuu garoonka dhexdiisa ku dilay Veron.

Laba xili ciyaareed oo uu Old Trafford joogay, waxa uu ku qaatay madax xanuun iyo ciyaarto aan lala dhicin oo uu soo bandhigay, kaddibna waxa uu 15 milyan oo Gini ugu wareegay Chelsa, ka hor intii aanay amaah kusiinin Inter Milan oo uu usii dhaafay Estudiantes oo ka dhisan Argentina.

“Veron waxa uu dhaliyey mid ka mid ah goolashii ugu quruxda badnaa ee abid aan ku arko garoonka tababarka. Tababarkii oo dhan ayaa is taagay, cid walba waxay is weydiisay, ‘Miyaad arkaysay taas, sida uu Juan Sebastian uu sameeyey?'” Ayuu Rio Ferdinand hadalkiisa ku bilaabay.

“Wuxuu ahaa ciyaartoy aan la malaysan karin, wuxuu ahaa kubbad-dhiibe weyn. Waxa kaliya ee ay ila tahay inay dishay waa Roy Keane oo shaqsiyad ahaan kaga weynaa (Old Trafford), kubaddana booskiisa kasoo qaadanayay.” Ayuu raaciyey.

Ferdinand waxa uu dareensan yahay in Veron uu dhibbane u noqday Keane oo xilligaas ahaa kabtanka, sidoo kalena ay ciyaartoydu ka dambeeyeen, waxaanu yidhi: “Waa inaad xasuusato in Veron uu ka yimid Lazio iyo Parma oo uu ahaa xiddigooda ugu weyn, ciyaarta oo dhanna isaga dhankiisa ka soconaysay. Wuxuu yimid United oo sidaas oo kale uu ka yahay Roy Keane.

“Keane ayaa u imanayay difaacyahannada oo kubadda ka qaadanayay, u baasayay khadka dhexe iyo weerarka, booskaasina waa kii uu (Veron) ka ciyaari lahaa. Wuxuu odhanayay sida ‘Aniga isiiya kubadda!!! Aniga isiiya kubadda!!!

“Isaga oo ixtiraam ay ka tahay, Seba wuxuu yidhi, ‘Roy ayaan u ogolaanayaa inuu sidaas sameeyo.’ Laakiin, Seba wuxuu ahaa ciyaartoy maskaxdiisu layaab tahay. Waxaanan si daacad ah u qirayaa, in haddii aanu Roy Keane joogi lahayn inuu ku hillaaci lahaa funaanadda Man United (Veron)

“Dhibkiisa oo dhan wuxuu ahaa Roy Keane, laakiin Roy Keane qaladka ma lahayn ee shaqsiyaddiisa ayaa ka weynayd, kana awood badnayd (Veron)”