Kumuu Ahaa Ciyaartoygii Uu Lionel Messi U Riyaaqay Kaddib Laba Maalmood Oo Ay Tababar Wada Qaateen? Tababare Pep Guardiola Oo Shaaciyay Xiddigii Ka Yaabsaday Leo.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola oo hore wakhti dahabi ah ugu soo qaatay kooxda Barcelona ayaa saxaafada uga warramay xiddigii ka yaabsaday xiddiga shanta jeer hantay abaalmarinta Ballon D’or ee Lionel Messi wakhtigoodii Blaugrana.

Pep ayaa daaha ka qaaday in Messi uu u yimid kaddib kaliya laba maalmood markii uu Sergio Busquets la tababartay kooxda waaweyn ee Barcelona sanadkii 2008 isla markaana uu u sheegay inuu ka helay xiddigan kasoo dalacay akaademiyada La Masia.

Tababaraha ree Spain ayaana yidhi “Waan xasuustaa wixii uu Messi ii sheegay, Kaddib laba ama saddex maalmood oo uu la tababartay isaga, Wuu ii yimid waxaana uu yidhi ‘Waan ka helay midkan’ waxaanan idhi ‘Markii ay dhibaato jirto halkaas ayuu joogi doonaa”

Dhinaca kale Pep Guardiola ayaan qarsan sida uu wali ula dhacsan yahay hab ciyaareedka Bosquets isaga oo sheegay in xiddiga ree Spain uu waxkasta u sameeyo xiddigaha ku hareeraysan, “Waxa uu waxkasta u sameeya kuwa ku hareeraysan”

Sanadkii 2008 ayay ahayd markii Guardiola oo tababare u ah kooxda Barcelona kuliyadeeda da’yarta loosoo dalacsiiyay kooxda waaweyn waxaana uu horay kasoo watay Sergio Busquets oo si weyn ugu najaxay kooxda.

Haatan Busquets oo maraya da’da 30-ka ayaa bilawday xilli ciyaareedkiisii 11-aad ee uu matalayo kooxda waaweyn ee Barca. Waxa uu mudadaas saftay 486 kulan isaga oo ku guuleystay 28 koob oo waaweyn.