AKHRISO: Wax Walba Oo Ay Ku Wada Hadleen Garsoorkii Kulankii El Clasico Ee Markii VaraneUu Qaladka Rekoodhaha Ahaa Ku Galay Luis Suarez Iyo Erayadii Dooda Ahaa Ka Hubintii VAR.

Xidhiidhka garsoorka Spain ayaa ogolaaday in la soo bandhigo xogta wax walba oo ay garsoorkii kulankii El Clasico ku wada hadleen markii uu Luis Suarez qalad rekoodhe keenay kala kulmay difaaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane.

Barcelona ayaa 5-1 ku garaacday Real Madrid laakiin waxaa hadda banaanka u soo baxay xogta erayadii dhex maray garsoorihii kowaad iyo waliba garsoorihii muuqaal caawiyaha garsoorka VAR waxaana jirtay dood badan oo dhex martay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo turjunay wax walba oo ay garsoorkii kulankii El Clasico ee Camp Nou iska waydiiyeen rekoodhihii Luis Suarez lagu abaal mariyay ee uu ku dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ee uu saddexleydii ugu horeeyay kaga dhaliyay kulankan.

Aan marka hore idin xusuusiyo in José María Sánchez Martinez uu ahaa garsoorihii kowaad isla markaana uu garsooraha VAR ee muuqaal caawiyaha uu ahaa  Alejandro José Hernández Hernández waana labada garsoore ee ay sheekada ugu dheeri dhex martay.

Waxaa hadalka aanu halkan idiinku soo gudbinayno ka muuqata qaabka ay garsooraha kowaad ee ciyaaraha qabta iyo waliba garsooraha muuqqaal caawiyaha garsoorka VAR ay uga tashadaan dhacdooyinka u baahan in go’aan laga gaadho ee aanu garsooruhu ciyaarta dhexdeeda ku go’aansan karin.

Halkan ka Akhriso sheekadii garsoorka Dhex Martay Markii uu Varane Qaladka Ku Galay Luis Suarez.

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): ” Sax, sax .. aniga ahaan kubabda ayuu isagu (Varane) ciyaaray.

Hernández Hernández (VAR): “Waxba dib ha ubilaabin. (Micnaha ciyaarta dib ha ubilaabin haddii uu garsooruhu ciyaarta bilaabo sharcigu wuu diidayaa in VAR dib loogu laabto)

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): ” Waa Offside, Waa offside.”

Hernández Hernández (VAR): “Waxba dib ha ubilaabin fadlan. Ciyarata dib ha ubilaabin, aniga i dhegayso, waxaad ii sheegatay in aad filayso in uu kubbada ciyaaray. Sax?.

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): “Haa.”

Hernández Hernández (VAR): “Dib ha u bilaabin.”

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): “Waa Hagaag, sax.”

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): “Ka fogaada, ka fogaada, isdajiya (Ciyaartoyda Barcelona)

Sergio Busquets: ” Ma rekoodhe ayay u tahay Suarez?”

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): “isdaji Sergio, Ma khusayso waxa aad doonayso. Waanu ka shaqaynaynaa, ka soco oo isdaji.

Hernández Hernández (VAR): “Fadlan José María waxaan kugula talinaa in aad tago oo aad eegto iyada.(In uu VAR soo eego)

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): “Waa hagaag, sax.”

Hernández Hernández (VAR): ” Varane kubbada muu taaban, waxa uu laagay Luis Suarez”.

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): ” Aan eego ciyaarta…”.

Hernández Hernández (VAR): “Halkan ayaad ka heli kartaa, halkaas ka soco”.

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): “Waa hagaag waan arkaa taabashada, aniga ahaan waa sax, , haa waa rekoodhe bilaa kaadh ah”

Hernández Hernández (VAR):“Sax, sax, Jose Maria.

Sánchez Martinez (Garsoorihii ciyaarta): “Wax digniin ahi ma jiraan”.

Intaa kadib waxa uu garsoore José María Sánchez Martinez ku soo laabtay ciyaarta wuxuuna rekoodhe u dhigay Barcelona waxaana sidaa ku dhaliyay Luis Saurez. Siyaasada xidhiidhka garsoorka Spain ayaa ah in kadib kulamada la ogaan karo in saxaafadu ay dhegaysan karto codkii VAR ee wixii garsoorka dhex maray.