Kulamada Aad Maanta Ilaa Caawa Sida Tooska Ah Uga Daawa Karto Gool24.net, Xamaasadii Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn Oo Soo Laabtay Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Kulamadan.

Kadib laba usbuuc oo loo firaaqeeyay xulalka qaramada aduunka waxaa markale soo laaban doonta xamaasadii shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn, waxaana markale baahinta tooska ah ee kulamadan diyaar idiinla ah shabakada Gool24.net. Waxay kulamo xiiso badani ka jiraan horyaalada Premier league, La Liga, Serie A, Bunesliga iyo League 1.

Kulamada ugu xiisaha badan ee Premier league laga ciyaari doono waxaa ka mid ah kulanka Manchester City iyo Everton si la mid ah kulanka Liverpool iyo Crystal Palace laakiin haddii aad eegto horyaalada Talyaaniga iyo Germany waxaad arki kartaa kulamo waa wayn oo ay tahay in ayna ku seegin.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa maryo dhiigleh kala furan doona halka kooxda AS Roma oo ka fikiraysa kulanka Barcelona ay marti u noqon doonto kooxda Bologna. Inter Milan ayaa marti galin doonta kooxda Hellas Verona halka kooxda koobka Serie A u tartamaysa ee Napoli oo ka faa’iidaysan karta kulanka Juventus iyo Milan ay la ciyaarayso Sassuolo.

Dhinaca horyaalka Germany waxaa ka jira kulanka ugu wayn ee horyaalkaas laga ciyaari iyada oo kooxda Bundesliga hogaaminaysa ee Bayern Munich ay Allainz Arena ku soo dhawanayso kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Borussia Dortmund.

Dalka France waxaa isna ka jira kulan xiiso badan iyada oo PSG iyo AS Monaco ay madaxa isla gali doonaan. Kulamadan aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan ayaa maanta ilaa caawa la ciyaari doonaa iyada oo si toos ah aad uga daawan karto Gool24.net.

Kulamada Horyaalka Premier league Laga Ciyaarayo Ee Aad Gool24.net Ka Daawan Karto.

Crystal Palace Vs Liverpool – 2:30 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Brighton & Hove Albion vs Leicester City- 5:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Manchester United vs Swansea City – 5:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Newcastle United vs Huddersfield Town – 5:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Watford vs AFC Bournemouth – 5:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

West Bromwich Albion vs Burnley – 5:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

West Ham United vs Southampton – 5:00 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Everton vs Manchester City – 7:30 Fiidnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Kulamada La Liga Ee Aad Gool24.net Ka Daawan Karto:

Las Palmas vs Real Madrid- 7:30 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Sevilla Vs Barcelona- 9:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Kulamada Horyaalka Serie A Ee Aad Gool24.net Ka Daawan Karto:

Bologna Vs Roma – 1:30 Duhurnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Inter Milan Vs Hellas Verona – 4:oo Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Juventus Vs AC Milan- 9:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Kulanka Bundesliga Ee Aad Gool24.net Ka Daawan Doonto:

Bayern Munich Vs Borussia Dortmund – 7:30 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Kulanka Finalka Coupe De La Ligue

Paris Saint-Germain Vs Monaco- 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Dhamaan kulamadan iyo kuwo kale ayaad si toos ah uga daawan kartaa shabakada caalamiga ah ee Gool24.net iyada oo goob kasta oo aad aduunka ka joogto ah si toos ah uga daawan karto kulamada aad xiisaynayso.