Kubad Qaabeeyaha Kooxda Chelsea Eden Hazard Oo Kahor Kulanka Barcelona Sheegay In Wax Fudud Aysan Ahayn Ku Guuleysiga Tartanka Champions League-ga.

Kubad qaabeeyaha kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Belgian Eden Hazard ayaa wuxuu sheegay in kooxdiisa Blues ay u dagaalami doonto sida ay xili ciyaareedkan kaga dhameysan lahayd afarta kaalmaha sare ee Premier League si xili ciyaareedka soo aadan ay qeyb kaga noqdaan kooxaha ka qeyb gali doona tartanka Champions League-ga.

Eden Hazard ayaa dhaliyay 2 gool kulankii Isniinta ee horyaalka Premier League-ga ay guul kaga gaadheen kooxda West Bromwich Albion, waxayna haatan kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ay dhanka kala sareynta horyaalka dalka England ay kaga jirtaa booska 4-aad. Iyagoo 19 dhibcood u jira hogaamiyaasha Manchester City.

Laacibka reer Belgian oo dareen adag ka muujiyay inuu doonayo in kooxda Chelsea ay si xoogan u sii dagaalanto kulamada kaga harsan xili ciyaareedka ayaa wuxuu yidhi: “Waxay ahayd jawaab celin aad u wanaagsan kadib labadii guuldarad xidhiidhka ahaa ee aan kala kulanay kooxaha  Bournemouth iyo Watford, waxaan heysanaa ciyaartoy muhiim ah ee aad u wanaagsan, waxaan dooneynaa in xili ciyaareedka dhamaadkiisa aan ku dhameysano afarta ugu sareysa ee horyaalka Premier League-ga, waana intaas bar-tilmaameedka kaliya ee aan leenahay”.

Hazard oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi: “Waxaa ilaa iyo haatan ka harsan 11 kuan dhamaadka xili ciyaareedka, waxaana dadaal fara badan ku bixin doonaa in ay sidaa dhacdo”.

Dhinaca kale Hazard ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay: “Waxaan dooneynaa inaan qeyb kasii noqono afarta sare ee Premier League-ga, si xili ciyaareedka soo aadan aan qeyb kaga sii noqono Champions League, xili ciyaareedkan waxaan sidoo kale qeyb ka nahay Champions League, ma ahan wax fudud inaad ku guuleysato tartankan, laakiin waxaanu sameyn doonaa dagaalan xoogan sida aan ugu guuleysan lahayn”.

Hazard ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaa ka harsan dhamaadka xili ciyaareedkan saddex bilood oo kaliya, waxaa waajib nagu ah inaanu u dagaalano isda aan ku gaadhi lahayn bar-tilmaameedka aan ka leenahay xili ciyaareedkan, taasoo ah inaan ku guuleysano koobab”.