Ku Ixtiraama Wixii Uu Idiin Soo Qabtay Oo Wilfried Zaha U Ogolaada Riyadiisa Ah In Uu Arsenal U Ciyaaro+ Dalabka Rasmiga Ah Ee Gunners.

Kooxda Arsenal ayaa dalab rasmi ah oo 40 milyan gini ah ka gudbisay xidiga kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha laakiin walaalkii Judicael Zaha ayaa afka furtay wuxuuna maamulka Crystal Palace u sheegay in ay ixtiraamaan wixii uu Zaha u soo qabtay kooxdooda oo ay riyadiisa u rumeeyaan.

Judicael Zaha ayaa sheegay in walaalkii Wilfried Zaha uu ku riyoodo in uu u ciyaaro kooxda Arsenal wuxuuna rajaynayaa in labada kooxood ay heshiis isla gaadhi karaan.

Inkasta oo dalabka Arsenal ee 40 ka milyan gini ahi uu yahay kala badhka qiimaha ay Crystal Palace dul dhigtay Wilfried Zaha oo 80 milyan haddana Wilfried Zaha walaalkii ayaa kooxda Crystal Palace ka doonaya in ay qiimahan hoos u dhigaan.

Kadib markii ay Arsenal dirtay dalab rasmi ah oo 40 milyan ku qiimaysan oo ay ku doonayaan saxiixa Judicael Zaha ayuu walaalkii Judicael yidhi: “”Wilfried waxa uu waligii tixgalinta ugu saraysa u hayn doonaa Crystal Palace iyo taageerayaashooda isla markaana taageeradii dhamayd ee ay iyagu siinayeen ayaa isaga aduunyada ula micno ah”.

Laakiin Judicael Zaha ayaa shaaciyay in walaalkii Wilfried Zaha uu ku riyoodo in uu ka ciyaaro kooxda dalabka ka gudbisay ee Arsenal wuxuuna yidhi: “Waa riyada walaalkay in uu u ciyaaro Arsenal”.

Wilfried Zaha walaalkii Judicael ayaa maamulka Crystal Palace fariintan u diray wuxuuna yidhi: “In Wilfried uu wax walba siiyay Palace, waxaan rajaynayaa in awoodi doonaan in ay arkaan qaabka ay kula heshiinayaan Arsenal si ay Wilfried ugu ogolaadaan in uu ku xaqiijisto riyadiisa uu kaga ciyaari doono kubbada cagta Yurub ee kooxdii uu carruurnimadiisii soo taageerayay”.

Hadalka Wilfried Zaha walaalkii ayaa ku soo beegmaya waqti ay maalmulka kooxda Crystal Palace gacanta ku hayaan dalabka kooxda Arsenal ee 40 ka milyan gini ku qiimaysan.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay maamulka Crystal Palace ka gaadhi doonaan dalabka rasmiga ah ee ay Gunners ka gudbisay Wilfried Zaha kaas oo ay ka go’antahay in uu ku soo biiro Arsenal.