RASMI: Ku Dhawaaqista Madrid Ee Luka Jovic, Go’aanka Bayern Ee James, Shaacinta Bixintaanka Saddex Xidig Ee Oo Liverpool & Everton Ka Tirsan Iyo Wararkii Suuqa Kala Iibsiga Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyada Yurub Qoreen..

Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda
Wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Ciid mubaarak, idilkiinba salaan akhristayaasha sharafta leh meel kasta oo aad aduunka ka joogtaam. Waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo qodobada ugu muhiimsan ee heshiisyadii dhacay iyo go’aanadii la gaadhay.

RASMI: Kooxda Real Madrid ayaa dhamaystirtay heshiiskii ugu horeeyay ee xagaagan kadib markii ay si rasmi ah ugu dhawaaday in ay qandaraas lix sanadood ah ka saxiixatay gool dhaliyihii kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic.

Zinedine Zidane ayaa bilaabay dib u dhiska kooxdiisa Real Madrid wuxuuna saxiixa kowaad ee xagaaganka dhigtay Luka Jovic wawxayna Madrid xidigan ka soo bixisay 60 milyan yuro iyada oo boqolkiiba 30% ka mid ah lacagtani uu u tagi doono kooxda Benfica oo markii hore iska lahayd Jovic.

RASMI: Liverpool ayaa ku dhawaaqday in ay kooxdeeda ka bixi doonaan labada xidig ee Daniel Sturridge iyo Alberto Moreno waxayna si xor ah Anfield kaga dhaqaaqi doonaan marka la soo gaadho June 30.

SIDOO KALE AKHRISO:  Unai Emery Oo Ka Warbixiyay Amaan Daradii Budhcadnimo Ee Mesut Ozil & Sead Kolasinac Soo Wajahday-Miyay Kulanka Burley Diyaar Yihiin?

Jurgen Klopp ayaa u mahad celiyay Sturridge iyo Alberto Moreno waxayna haddaba Reds si rasmi ah u shaacisay in ay kooxda ka baxayaan waxaana dhamaad ah heshiiskii ay kooxda kula joogeen.

RASMI: Difaaca kooxda Everton ee Phil Jagielka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxayo kooxda Merseyside isaga oo kooxda ka soo tirsanaa tan iyo sanadkii 2007 kii wuxuuna u soo saftay 385 kulan.

RASMI: Shaqiri ayaa meesha ka saaray wararkii sheegayay in uu Liverpool ka baxayo xagaagan isaga oo cadeeyay n uu kooxda sii joogayo. Shaqiri ayaa yidhi: “Waxaan joogaa Liverpool, kooxda Yurub ugu fiican. Tababaruhu doorashooyin badan ayuu haystaa  waxaana waajib ku ah in uu doorto cida ciyaaraysa.”.

“Heshiis waqti dheer ah ayaan ku jiraa, xaqiiqdiina waan sii joogi doonaa” ayuu Shaqiri si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Liverpool sii joogayo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Saadaal Lagu Sameeyay Super Computer Ee Kulamada Labaad Ee Premier League -Maxaa Lagu Saadaaliyay Man City Vs Tottenham?

Wararka kale ee suuqa

Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay kooxda Lille ee horyaalka France waxayna United doonaysaa saxiixa xidiga Mike Maignan(Manchester Evening News).

Arsenal ayaa iska diidi doonta dalabyada kooxaha China ku doonayaan gool dhaliyaha kooxdeeda ee Pierre-Emerick Aubameyang, kaas oo mushaar qaali ah loogu baaqayo China. (Evening Standard).

Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa xidiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ee  Donny van de Beek kaas oo hore uga mid ahaa saddexda xidig ee ay Real Madrid suuqa ka doonayso. (Liverpool Echo)

Xidiga kooxda PSG ee Thomas Meunier oo ay ku tartamayaan kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa qirtay in uu u furan yahay in uu ka bixi karo kooxdiisa PSG taas oo dhiiro galin u ah kooxaha Premier league.(Sky Sports)

Kadib heshiiskii Luka Jovic, Real Madrid ayaa heshiis la gaadhay xidiga kooxda Lyon ee Ferland Mendy kaas oo ay 49 milyan gini kula soo wareegayso iyada oo uu saxiixi doono qandaraas dhacaya 2025.(AS)

SIDOO KALE AKHRISO:  WARBIXIN: Waa Kuwan AFARTA Qoddob Ee Madax Xanuunka Ku Ridaya Madaxda Barcelona Ee U Baahan Inay Go'aan Ka Gaadhaan Kahor Xilli Ciyaareedka Cusub.

RASMI: Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ayna heshiiskii amaahda labada sanadood ahaa ee James Rodríguez ayna mid rasmi ah u badali doonin wuxuuna dib ugu laaban doonaa Real Madrid haddii aan la helin koox cusub oo si rasmi ah u iibsan karta.

Man United ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro xidiga kooxda Leicester City James Maddison kaas oo ay United ku doonayso 60 milyan gini si ay xagaagan ula soo saxiixdaan. ( Independent)

Kooxda Napoli ayaan aqbali doonin dalab ka hooseeya 133 milyan gini ee difaaca ay kooxaha Real Madrid iyo Man United sida wayn u doonayaan ee Kalidou Koulibaly. (Corriere dello Sport)

Manchester City ayaa kooxda Atletico Madrid u sheegtay in ay diyaar u yihiin bixinta lacagta heshiiska Rodrigo lagu burburin karo oo ah 70 milyan yuro. (FabrizioRomano)

1 Comment

  1. He is a goalscorer who can help out the club, as he is a great finisher and is also great in the air even if he’s not especially tall at 1.81 metres.

Comments are closed.