Kooxdee Ayuu Tababare Pep Guardiola Doonayaa Inuu Kusoo Af-jaro Waayihiisa Tababarenimo? Tababaraha Ree Spain Oo Tilmaamay Kooxda Uu Kusoo Xidhi Doono Wakhtigiisa Cajiibka Ah

Tababaraha ree Spain ee haatan horkaca kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kooxda uu jeclaan lahaa inuu kusoo af-meero waayihiisa tababarenimo ee cajiibka ah ee uu sanadihii ugu dambeeyay dunida kaga soo yaabsaday.

Pep ayaa lagu sheegaa mid si fudud shaqooyin heer sarre ah ku helay maadaama oo uusan waligiis tababarin koox heerkeedu hooseeyo balse uu isku maray Barcelona, Bayern Munich & Manchester City oo kooxo taariikh ahaan iyo magac ahaanba xoogan ah.

Haddaba, Jamaahiirta Barcelona ayaa laga yaabaa inay nasiib u yeeshaan inay markale arkaan Pep uu kusoo laabanaya kooxdooda maadaama oo tababaraha Manchester City uu qirtay inuu jeclaan lahaa inuu waayihiisa ku dhammaysto halkii uu kasoo bilaabay oo ah Akaademiyada Barca ee La Masia.

Guardiola oo hore dhawr jeer u sheegay inuusan qabin wax dareen ah oo uu dib ugu laabanayo Barcelona ayaa u muuqda mid fikirkiisa bedelay kaddib waraysigan cusub ee uu bixiyay.

Guardiola oo ka hadlaya arrimahaas iyo sida uu u doonayo ku laabashada La Masia ayaa yidhi “Waxaan mar labaad ku dhammaysan doonaa halkii aan kasoo bilaabay, Talaabooyinkayga ugu dambeeya (Ee tababarenimo) waxay noqon doonaan Barcelona, La Masia” Ayuu u sheegay warraysi uu siinayay Universo Valdano.

Pep Guardiola oo da’ ahaan marka loo eego aan ahayn tababare weyn taasina ay ka dhigayso mid awooda inuu mudo dheer sii wado waayihiisa tababarenimo ayaa la filayaa inuu ugu horrayn wakhti dheer sii hoggaamiyo Manchester City oo uu koox xoogan ku dhistay.