Kooxdan Ayaa Ugu Nasiib Xun Kulamada Furitaanka Ee Premier League Waxaana Ay Lixdii Xilli Ciyaareed Ee Ugu Dambeeyay Kulanka Koowaad Ku Wajahayeen Top Six-ka.

Kooxda West Ham United ayaa ah mid dhibaato weyni ka haysato kulamada furitaanka ee shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyo midka bilaaban doona 9-ka August ee sanadkan.

Goor dhawayd ayaa si rasmi ah loo shaaciyay kulamada Premier League ee xilli ciyaareedka 2019-2020 waxaana haatanba laga dhex helay kulamo cajiib ah iyadoo toddobaadka furitaanka kulanka ugu xoogani uu noqon doono Man United vs Chelsea oo Old Trafford ku balansan.

West Ham ayay dhibaatada kasoo haysatay kulamada furitaanka ee Premier League tahay inay dhammaan lixdan xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay kaliya kusoo bilaabanaysan kulamo ay wajahaysay lixda kooxood ee waaweyn.

Hammers ayaa xilli ciyaareedkii 2014-15 kusoo bilawday kulan ay wajaheen kooxda  tababare Mauricio Pochettino ee Tottenham halka ay 2015-16 kusoo bilawdeen kulan ay Arsenal ku booqdeen Emirates Stadium.

Markale nasiib xumada West Ham ayaa halkeeda kasii socotay waxaana ay xilli ciyaareedkii 2016-17 kulankii furitaanka booqdeen kooxdii horyaalka hanatay xilli ciyaareedkaas ee Chelsea halka ay 207-18 Man United ku booqdeen Old Trafford.

Markale Hammers oo uu hoggaaminayo tababaraha haatan ee Manuel Pellegrini ayaa Anfield ku martiyay Liverpool xilli ciyaareedkii hore ee 2018-19 halka ay xilli ciyaareedkan soo socda ee 2019-2020  soo dhawayn doonaan Manchester City iyo Pep Guardiola.