Kooxda Uu Taageeri Jiray Wakhtigiisii Carruurnimo, Haddii Uu Ku Fikiro Ka Tagista Liverpool & Alexander Arnold Oo Kala Doortay Ronaldo Iyo Messi.

Da’yarka daafaca midig ee kooxda Liverpool ee Trent Alexander Arnold ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin kooxdii uu taageeraha u ahaa wakhtigiisii carruurnimo, Haddii uu ku fikiro ka tagista Liverpool iyo midka uu xulanayo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Ugu horreynba Arnold ayaa sheegay in marka laga yimaado Liverpool kooxdii uu taageeri jiray wakhtigiisii carruurnimo ay ahayd Celtic balse uu haatan taageeradeedii dhex-dhexaad ka noqday maadaama oo kooxda ay xifaaltamaan ee Rangers uu macalin u yahay Steven Gerrard.

“Markii aan korayay waxaan ahaa (Taageere) Celtic, Laakiin haatan sababtoo ah xidhiidhka (Steven Gerrard) dhex dhexaad ayaan ka ahay haatan halkaas” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Alexander Arnold.

Dhinaca kale TAA ayaa sheegay inuusan abid ku fikirin ka tagista kooxdiisa Liverpool isla markaana uusan abid helin wax sabab oo ku qasabta inuu ka baxo.

“Midaasi (Tagistu) maaha wax aan abid dhab ahaan ku fikiray, Anigu markasta waan jeclaa Liverpool, Waan taageeri jiray iyaga, Sidaas darteed marnaba ma helin sabab aan kaga tago”.

Ugu dambayn, Trent oo la weydiiyay inuu kala doorto labada xiddig ee hoggaanka u ah jiilkan kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ku jawaab celiyay “Messi aniga ahaan”.