KOOXDA USBUUCA: Halyeey Alan Shearer Oo Soo Xushay Shaxda Kooxda Usbuuca Ee PL, Liverpool Oo LABA Xiddig Leh & Koox SADDEX Yeelatay.

Advertisements

Halyeeyga kubadda cagta England ahna gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Premier League ee Alan Shearer ayaa soo xushay shaxdiisa kooxdii toddobaadkan ugu fiicnayd horyaalkaas.

Shearer ayaa shaxdan door weyn ka siiyay kooxdiisii hore ee Newcastle United oo guul dahabi ah ka gaadhay Chelsea waxaana sidoo kale kasoo muuqday xiddigo ka tirsan kooxdii Liverpool ee dhibacaha ka qaadatay Man United xalay.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah midka Burnley ee Nick Pope oo rigoore ka badbaadiyay Jamie Vardy shalay sidoo kalena dhawr fursadood oo cadaan ah ka beeniyay Leicester City si uu guul u gaadhsiiyo kooxdiisa.

Afar daafac oo ay shaxdani yeelatay ayay laba kamid ahi yihiin xiddigaha Newcastle ee Clark iyo Fernandes oo muhiim ka ahaa guushii Magpies ee Chelsea waxaana la midaysan Virgil Van Dijk oo gool ku quusiyay Man United iyo da’yarka Norwich ee Max Aarons oo bandhig weyn ka sameeyay kulankii Burnley.

Saddexleyda khad dhexe ee shaxdan ayaa kala ah Jordan Henderson oo xalay qaatay xiddigii kulanka ee ciyaartii Man United vs Liverpool, Isaac Hayden oo dhaliyay goolkii Newcastle ee Chelsea iyo Jack Grealish oo markale gool ka dhaliyay Bighton.

Saddexleyda weerar ee shaxdan ayaa kala ah xiddigaha Wolves ee Adama Traore iyo Raul Jiminez, Adama ayaa laba caawimo kasoo sameeyay guushii soo laabashada ahayd ee ay Southampton ka gaadheen halka Jiminez uu laba gool dhaliyay halka xiddiga saddexaad uu yahay Sergio Aguero oo laba gool ka dhaliyay Crystal Palace.

Halkan Kaga Boggo Shaxda Oo SAWIR Ah

Advertisements