Kooxda Suuqa Kala Iibsiga Ku Jah-wareersan Ee Manchester United Oo Dalab Ka Gudbisay Daafaca Atletico Madrid Ee Diego Godin & Jawaabtii Ay Ka Heshay.

Kooxda ku dhex jah-wareersan suuqa kala iibsiga xiddigaha ee Manchester United ayaa halkeeda kasii wada dalabyada aan kala joogsiga lahayn ee ay ka gudbinayso xiddigaha balse ay ku fashilmayo, Waxa markan la ogaaday in Red Devils ay dalab ka gudbiyeen daafaca Atletico Madrid ee Diego Godin iyo jawaabtii ay ka heleen.

Kooxda Jose Mourinho ayaa hore u xiisaynaysay daafacyo ay kamid yihiin Toby Alderweireld, Harry Maguire iyo Yerry Mina balse waxay u muuqdaan kuwo si rasmi ah isaga soo xidhay xiisihii ay u qabeen daafacyadaas maadaama oo sida lagu helayaa ay noqotay mid aad u adag.

Haddaba, Waxa la ogaaday in United ay dalab goor dambe ah ka geysay Godin balse loo sheegay in xiddigu uu goor horeba qandaraas heshiis cusboonaysiin ah kula heshiiyay kooxdiisa, Man United ayaa usbuucii hore kulan la qaadatay wakiilka xiddigan balse waxay haatan u arkaan in wakiilku uu iyaga u adeegsaday wadadii uu Godin heshiis cusub oo horumarsan kaga heli lahaa Atletico.

Diego Godin ayaa galaya sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaska uu haatan kula jiro kooxdiisa, Labada kooxood ayaana markii hore la filyay inay kawada xaajoon doonaan suurogalnimada uu xiddigani ku aadi karo Old Trafford isla markaana ay Manchester United u bixin karto 18-ka milyan ee lagu jabinayay heshiiskiisa balse haatan waxkasta way isbadaleen.

Si kastaba ha ahaatee, Warkan ayaa ah mid markale naxdin ku ridaya jamaahiirta Manchester United oo intii uu furnaa xagaagani si weyn uga niyad jabsanaa xaalada suuqa kala iibsiga ee kooxdooda.