Kooxda Reer London Ee Chelsea Oo Kula Dagaalameysa Dhigeeda Juventus Saxiixa Xidig Muhiim Ka Ah Atletico Madrid

Kooxaha ugu tunka weyn qaarada yurub ee Chelsea iyo Juventus oo ka kala ciyaaara horyaalada Serie A iyo Premier League ayaa waxay si xoogan ugu dagaalamayaan saxiixa mid ka mid ah xidigaha kooxda ka dhisan caasimada Madrid ee Atletico Madrid.

Sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sports” kooxaha Chelsea iyo Juventus ayaa wada hadalo kula jira dhigooda  Atletico Madrid si kaliya ay kaga helaan saxiixa difaaca reer Montenegro Stefan Savić, kaasii qeybta dhexe ee difaaca kaga ciyaara kooxda Atletico.

Stefan Savić ayaa yimid kooxda Atletico Madrid sanadii 2015 wuxuuna kaga soo dhaqaaqay dhigeeda Fiorentina, wuxuuna ilaa iyo haatan kasoo muuqday shaxda tababaraha reer Argantina ee Diego Simeone xili ciyaareedkii lasoo dhaafay 35 kulan.

Kooxda reer talyaani ee Juventus ayaa u raadineysa xidigan sababa la xidhiidha in kooxda uu ka dhaqaaqi doono xidigeeda reer Morocco ee Medhi Benatia inta lagu gudi jiro suuqa qaboowaha.

Sidoo kale saraakiisha Chelsea ayaa waxay muujiyeen sida ay u xiiseenayaan saxiixa wiilka Diego Simeone ee Stefan Savić, ka gadaale In ay dhibaato xoogan ka heysato qeybta dhexe ee difaaca iyo in kooxda ay ku guuldareesatay in xitaa ay u soo gudubto xili ciyaareedka soo aadan tartanka Champions League.