Kooxda Paris Saint-Germain Oo Diyaar U Ah In Real Madrid Ay Kaga Soo Qaadato Lacago Aan La Rumeysan Karin Xidiga Xulka Qaranka Brazil Ee Casemiro.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ay xiiseeneyso lasoo saxiixashada madaalaha kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil Casemiro xili ciyaareedka soo aadan, si uu u noqdo badalka xidiga ay isku dalka yihiin ee Thiago Motta kaasoo haatan noqday 34 jir.

26 jirkan ayaa wuxuu haatan ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan uu Zinedine Zidane ku dhex heysto kooxda Real Madrid gaar ahaan sanooyinkii lasoo dhaafay, waxaana lagu tiriyaa sidoo kale sababaha ugu weyn ay Los Blancos ugu guuleysatay labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay tartanka Champions League iyo horyaalka La Liga, ka dib sanado badan.

Thiago Motta ayaa kusii dhawaanaya xiliga uu gabi ahaanba ka fariisan lahaa kubada cagta halka Marco Veratti laga deerinayay xiliyadii lasoo dhaafay qaab ciyaareedkiisa, waana sababta ku qasbeysa PSG in ay raacdo u gasho saxiixa xidiga reer Brazil Casemiro si ay kaga soo qaadato Real Madrid.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Paris Saint-Germain Antero Henrique ayaa wuxuu u arkaa in xidig khad dhexe si wanaagsan kaga ciyaara ay tahay booska kaliya ay u dhiban tahay PSG, waana sababta ay mas’uuliyiinta kooxda reer France ay u doonayaan saxiixa Casemiro.

Casemiro ayaa heshiiskiisa kooxda Real Madrid wuxuu dhacayaa sanada 2021 iyadoo heshiiska uu ku joogo Santiago Bernabéu lagu kansali karo 200 million euros, waana qiima lacageed ay adag tahay in PSG ay bixiso, laakiin sida wararka ay xaqiijinayaan waxay isku dayi doontaa in Los Blancos ay ku qanciso in ay bixiso qiimo ka ag dhaw.