Kooxda Monaco Oo Shaqada Ka Caydhisay Tababare Leonardo Jardin & Halyeey Theirry Henry Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Kooxdiisii Carruurnimo.

Kooxda ree France ee AS Monaco ayaa kaddib mudo ay xaalad xun ku jirtay waxa ay ugu dambayn shaqada si rasmi ah uga caydhiyeen tababarihii kooxda ee Leonardo Jardim waxaana haatan jagadaas ugu cad cad Theirry Henry oo sanadihii sagaashamaadkii kasoo najaxay akaademiyada kooxdaas.

Theirry Henry ayaa kaddib tartankii Koobka Aduunka iskaga tagay xulka Belgium oo uu tababare ku xigeen u ahaa waxaana uu markaas bilaabay sidii uu ku noqon lahaa tababaraha koowaad ee ay kooxihi leedahay.

Aston Villa ayaa ahayd magaca ugu weyn ee Henry lala xidhiidhinayay maalmihii ugu dambeeyay balse dhawaan ayay si lama filaan ah usoo baxday inuu shaqadaas iska diiday iyada oo haatanba la dareemi karo in sababtii uu u diiday ay ahayd sugitaanka xilka tababarenimo ee Monaco.

Monaco ayaa maanta ugu dambayn iska fasaxday Jardim oo xilli ciyaareedkii 2016-2017 u dhigay taariikh cajiib ah kaddib markii uu gacanta usoo galiyay horyaalka Ligue 1 oo ay mudo ka maqnaayeen hanashadiisa.

Jardim ayaa intaa kaddib madaxda kooxda uga mahad celiyay inay fursad u siyeen maamulida kooxdan, Sidoo kale madaxda sarre ee Monaco ayaa mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Leonardo.

Ugu dambayn, Jagada tababarenimo ee ka banaanaatay kooxda AS Monaco ayaa la filayaa inay tahay midii ugu horreysay ee weyn ee lagu aamini doono Henry oo mudo dheer xilkan oo kale sugayay.