Kooxda Isbuuca Premier League: Shaxda 11kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Todobaadkan Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray

Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City waxa ay difaacashadooda horyaalka ku bilowdeen guul 5-0 ah oo ay ka gaareen kooxda West Ham, halka kooxda kaalinta labaad soo gashay xilli ciyaareedkii hore ee Liverpool ay 4-1 ku xaaqday kooxda ku cusub Premier League xilli ciyaareedkan ee Norwich City

Kulankii ugu horeeyay ee horyaalka ee Frank Lampard ee uu tababare u noqdo Chelsea ayaa ku soo dhamaaday guuldarro weyn oo 4-0 ah oo ka soo gaartay kooxda Manchester United, halka Arsenal ay guul ciriiri ah oo 1-0 ah ka gaartay Newcastle.

Tottenham waxa ay 3-1 ku garaacday Aston Villa halka Burnley iyo Brighton ay min seddex gool uga kala badiyeen Southampton iyo Watford.

SIDOO KALE AKHRISO:  Waa Kuma Xidiga Haddaba Niyadjabka Ka Muujiyay Mustaqbalkiisa Liverpool Ee Ay Suurtogalka Tahay In Uu Bixi Karaa?

Sheffield United ayaa ku bilaabatay ku soo laabashadeeda Premier League barbaro 1-1 ah oo ay la galeen Bournemouth, Crystal Palace iyoE Everton waxa ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah si la mid ah Leicester City iyo Wolves.

Hadaba waxaa eegeynaa kooxda isbuuca iyo 11ka xiddig ee ugu fiicnaa isbuucaan horyaalka Premier League, waxaana shaxdaan soo xulay khabiirka BBC Sport Garth Crooks.

Dhanka goolka waxaa isbuucaan ugu fiicnaa goolhayaha Manchester City Ederson kaasoo aan wax shaqo ah qabanin ilaa iyo 60 daqiiqo balse qeybtii labaad uu labo badbaadin oo heer sarre ah ka sameeyay Javier Hernandez kulankii ay ka badiyeen West Ham.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Jimce Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Seddexda daafaca danbe ee shaxda ka soo muuqday waxa ay kala yihiin daafaca Brghton Lewis Dunk, kan Manchester United Harry Maguire oo si fiican u dheelay kulankii xalay ee Old Trafford iyo daafaca birta ah ee Liverpool Van Dijk oo sida looga bartay qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay kulankii Anfield.

Afarta khadka dhexe waxaa ku jira labada xiddig ee Manchester City Kevin de Bruyne oo gacan weyn ka geystay guushii Man City iyo Raheem Sterling oo seddexleey dhaliyay. Waxaa ku wehliya xiddiga Man United Paul Pogba oo caawimaad sameeyay kulankii xalay ee Old Trafford, waxaana dhameystiraya Ndolmbele kaasoo kulankiisii ugu horeysay shabaqa u soo taabtay Tottenham islamarkana bilow u ahaa soo laabashadii guusha aheyd ee ay sameysay Spurs.

SIDOO KALE AKHRISO:  Neymar Junior Oo War Saxaafadeed Qiiro Leh Soo Saaray Kiiskii Kufsiga Ahaa Ee Loo Haystay

Seddexda afrka hore waxaa ku jira Harry Kane iyo Marcus Rashford oo min labo gool u kala dhaliyay Tottenham iyo Man United iyo Aubameyang oo dhaliyay goolka kaliya ee guusha ee kooxda Arsenal.

SHAXDA ISBUUCA EE GARTH CROOKS:

3-4-3: Emerson; Dunk, Van Dijk, Maguire; Sterling, Ndombele, Pogba, De Bruyne; Aubameyang, Harry Kane, Rashford