Kooxda Eibar Oo Cashar Lama Ilaawaan Ah Usoo Dhigtay Real Madrid & Guuldaradii Ugu Horreysay Ee Tababare Santiago Solari Oo Mid Bahdilaad Ah Noqotay.

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro qaraw ah kala kulantay dhigeeda Eibar kulan lagu soo kala calaf qaaday gegida kooxda Eibar, Ciyaartan ayaa kusoo dhammaatay tiro bahdilaad ah maadaama Real 3-0 lagu jiidhay.

Guuldaradan ayaa ah midkii ugu horreysay ee uu qaabilo tababaraha cusub ee Madrid ee Santiago Solari waana dhibaato kale oo fogaynaya hammiga kooxdu ay ka leedahay horyaalka xilli ciyaareedkan.

Shaxihii labada kooxood ee kulanka:

Eibar:

Riesgo, Rubén Peña, Oliveira, Ramis, Ángel, Orellana, Jordán, Escalante, Cucurella, Kike García, Sergi Enrich

Keydka:

???????

Real Madrid:

Courtois, Odriozola, Ramos, Varane, Marcelo, Ceballos, Modric, Kroos, Asensio, Bale, Benzema.

Keydka:

Casilla, Carvajal, Valverde, Lucas Vázquez, Isco, Vinicius, Javi Sánchez.

Falanqaynta Guud Ee Kulanka

Kooxda martida loo yahay ee Eibar ayaa durtaba muujisay sababta garoonkeeda loo joogo, Xiddiga kooxdaas ee Kike Garcia ayaa daqiiqadii 2-aad ee kulankan kubad gantaal ah ku tuuray shabaqa Madrid balse goolhaye Thibaut Courtois ayaa celiyay.

GOOAL: Eibar ayaa kaddib weeraro isdaba joog ah oo ay ku qaaday dhigeeda Real Madrid heshay goolka furitaanka, Kubad meel dhaw ah oo uu goolka la bar-tilmaameedsaday  Gonzalo Escalante  daqiiqadii 15-aad ayaa gool isku bedeshay.

Intaa kaddib labada dhinac ayaa si xoogan weeraro iskugu qaaday, Real Madrid ayaa guud ahaan la wareegtay maamulka kulanka halka wiilasga martida loo ahaa ay qaadayeen weeraro rogaal celis ah oo halistooda wata.

Daqiiqadii 35-aad ee kulankan ayay Los Blancos isku dayeen inay goolka bar-bardhaca iska soo gudaan kahor dhammaadka qaybta hore balse kubad xoogan oo uu laagay Luka Modric ayaa dhaafi weyday goolhaye Riesgo.

Qaybta hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 1-0 ay hogaanka kulanka la hoyatay Eibar oo si weyn uga yaabsatay wiilasha Santiago Solari.

GOOAL: Markale Eibar, Santi Solari iyo xiddigihiisa ayay qabsatay dhirbaaxo kale waxaana gool kale daqiiqadii 51-aad ee kulanka shabaqa Madrid dhex dhigay Sergi Enrich, Goolkan ayaa ahaa mid uu caawin cajiib ah kuso dhiibay Marc Cucurella.

GOOAL: Ciyaarta ayaa noqotay mid markan faraha ka baxday, Kike García oo ahaa xiddig dhibaato weyn ku hayay Real Madrid balse aan wax gool ah ka dhalin ayaa ugu dambayn markiisa ciyaarta ka dhigay 3-0 daqiiqadii 56-aad ee kulanka.

Karim Benzema ayaa isku dayay inuu kooxdiisa ka kala yareeyo ceebta iyo goolasha badan ee hoggaanka looga hayay balse isku daygiisa ayaa noqday mid aanu ku beegsan goolka Eibar.

Xiddiga Eibar ee Cole ayaa si cajiib ah usoo farsameeyay kubad waxaana uu usoo dhigay saxiibkiisa kooxda ee Charles oo isku dayay inuu goolka afraad ee kulankan magaciisa ku qoro balse Courtois aya kooxdiisa ka badbaadiyay ceeb kale.

Kulankan ayaa ugu dambayn kusoo dhammaaday mid ay guul weyn ku gaadhay kooxda martida loo ahaa ee Eibar, Guuldaradan oo ah midkii ugu horreysay ee Santiago Solari soo gaadha ayaa dib u dhac kale ku noqonaysa Los Blancos.