Kooxaha Yurub Ugu Waa Wayn Ayaan Kala Xaajoonayaa Tanguy Ndombele-Madax Waynaha Lyon Ee Jean-Michel Aulas.

Madax waynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa si cad warbaahinta uga hor sheegay in uu la xaajoonayo kooxaha Yurub ugu waa wayn si uu uga iibiyo Tanguy Ndombele.

Qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu waa wayn ee Lyon ka doonaya xidiga khadka dhexe ee Tanguy Ndombele kaas oo la aaminsan yahay in uu haddaba ciyaaray kulankiisii garoonka kooxdiisa Lyon ugu danbeeyay.

Tanguy Ndombele ayaa dhamaystay 90 kii daqiiqo ee kulankii ay Lyon xasuuqa wayn u gaystay kooxda Caen oo ay 4-0 ku garaaceen wuxuuna hadda madax waynaha Lyon cadeeyay in Tanguy Ndombele uu kooxda ka bixi doono.

Kooxaha Paris Saint-Germain, Real Madrid, Juventus, Manchester City iyo Manchester United ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayaa Tanguy Ndombele wuxuuna madax wayne Jean-Michel Aulas cadeeyay in uu kooxo waa wayn la xaajoonayo.

Madax waynaha Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa hore u cadeeyay in kooxda Juventus ay tahay kooxda uu Tanguy Ndombele door bidayo wuxuuna PSG kula taliyay in ay 22 sano jirkan horyaalka France ku sii hayaan.

Laakiin Real Madrid oo si wayn loola xidhiidhinayay saxiixa Tanguy Ndombele ayaa hadda sii cad u og in Lyon ay wada xaajood kula jirto qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu waa wayn.

Madax waynaha Lyon oo ka hadlaya Tanguy Ndombele ayaa yidhi: “Anigu waxaan Ndombele wada xaajood ugula jiraan kooxaha Yurub ugu waa wayn”.

“Anigu waxaan ahay mid soo nooleeyay wada hadalkii PSG, sidaa daraadeed ma dareemi doonaan in la caydhiyay. Haddii ay PSG la sinaato saddexda dalab ee aan helay isla markaana uu Tanguy Ndombele la heshiiyo, wax fiican ayay noqon doontaa haddii uu halkaas tago”.

Madax waynaha Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa hadalkiisa loo qaadan karaa mid uu ku doonayo in uu qiimaha Ndombele sare ugu sii qaado isaga oo cadeeyay in uu saddex dalab xidigan u hayo.

Jean-Michel Aulas ayaa la filayaa in uu xidigo kale oo kooxdiisa ka tirsan waayi doono xagaagan iyada oo Nabil Fekir iyo Memphis Depay ka mid yihiin xidigaha laga yaabo in la iibiyo.