Kooxaha Premier League Oo Muddo Dheer Markii Ugu Horaysay Lagu Garaacay 10-Ka Saxiixa Ee Xagaagan Ugu Qaalisanaa.

Sanado badan kooxaha Premier league ayaa soo hogaaminayay liiska ciyaartoyda ugu qaalisanayd ee lala kala wareegayay laakiin xagaagan sheekadu way isbadashay waxaana kooxaha Premier League lagu garaacay in ayna sii joogtayn saamigii badnaa ee ay liiska ciyaartoyda ugu qaalisan ka heli jireen.

Tobanka ciyaartoy ee xagaagan lacagaha ugu badan lagu kharash gareeyay waxay si aan hore looga baran ka tirsan yihiin horyaalada Yurub ee aan Premier League ahayn inkasta oo dhawr xidig ay ku jiraan kuwaas oo ay kooxaha Ingiriisku lacago badan ka soo bixiyeen.

Ilaa hadda waxaa liiska ciyaartoyda ugu qaalisan xagaagan hogaaminaya Eden Hazard kaas oo ay Real Madrid kulawareegtay 130 miyan gini mana jiro ciyaartoy kale oo qiimahan lagu iibsaday xagaagan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xog Cusub Oo Ka Soo Korodhay Kulankii Maanta Dhex Maray Saraakiisha Barcelona & PSG Iyo Barca Oo Laba Arimood Doonaysa.

Isla kooxda Madrid ka dhisan ee Atletico Madrid ayaa ah kooxda labaad ee xagaagan lacagta ugu badan hal ciyaartoy ku kharash garaysay iyaga oo Joao Felix ka soo bixiyay 113 milyan gini.

Kooxda Barcelona oo iyaduna ka tirsan isla horyaalka La Liga ayaa 108 milyan gini kula soo wareegtay Antoine Greizmann waxayna tani la micno tahay in horyaalka La Liga uu xagaagan sameeyay wacdaro layaableh.

Intaas kadib Manchester United ayaa noqotay kooxda Premier League ku hogaaminaysa saxiixa ugu qaalisan ee xagaagan waana Harry Maguire oo ay 80 milyan gini ka soo bixiyeen.

Nicolas Pepe oo ay Arsenal 72 milyan gini ka soo bixisay iyo Tanguy Ndombele oo ay Tottenham kula soo wareegtay 63 milyan gini ayaa dhamaantood ka mid noqday saxiixyada tobankaah ee xagaagan ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

SIDOO KALE AKHRISO:  "Aad Ayaan Ugu Faraxsanaa" - David Luiz Oo Tilmaamay Xiddiga Kooxdiisa Arsenal Ka Tirsan Ee Qaab Ciyaareedkiisa Ku Farxad Geliyay Kulankii Burnley.

Saddex saxiix oo kaliya ayay kooxaha Premier league ku yeesheen 10 ka saxiix ee xagaagan lacagaha ugu badan lagula wareegay. Halkan ka akhriso liiska iyo lacagaha lagula saxiixday.

Eden Hazard – Chelsea to Real Madrid – £130m

Joao Felix – Benfica to Atletico Madrid – £113m

Antoine Griezmann – Atletico Madrid to Barcelona – £108m

Harry Maguire – Leicester to Manchester United – £80m

Romelu Lukaku – Manchester United to Inter Milan – £73m

Nicolas Pepe – Lille to Arsenal – £72m

Matthijs de Ligt – Ajax to Juventus – £67.8m

Lucas Hernandez – Atletico Madrid to Bayern Munich- £68m

SIDOO KALE AKHRISO:  Paul Dybala Saaxiibtiis Oo Ugu Baaqday Xiddiga Juventus Inuu U Wareego Premier League

Frenkie de Jong – Ajax to Barcelona – £65m

Tanguy Ndombele – Lyon to Tottenham – £63m

Laakiin inkasta oo uu soo xidhmay suuqa Premier league, waxay horyaalada kale ee Yurub haystaan in ay saxiixyo waa wayn oo qaali ah wali samayn karaan iyada oo xidigaha lacago badan lagula wareegi karo ay ka mid yihiin Neymar Jr, Philippe Coutinho, Gareth Bale, Mouro Icardi iyo Pual Pogba.