Kooxaha Manchester City Iyo Paris Saint-Germain Oo Dagaalkii Ugu Xooganaa Uu Ku Dhax Mari Doono Suuqa Furmi Doono Bisha January Ee Soo Aadan.

Waxaa jira calaamado muujinaya tartan aad u xoogan ee u dhaxeeya kooxaha dalalka Ingariiska iyo Faransiiska, kaasoo ku aadan inay ku dagaalamaan saxiixa xidig heshiiskiisa uu ka sii idlaanayo mid ka mid ah kooxaha horyaalka Premier League-ga waxayna doonayaan in mid kood uu ku  guuleysto heshiiskan xoogan inta lagu jiro xilliga jiilaalka ee soo aadan.

Wargeyska dalka England kasoo baxa ee “Mirror” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in muddo dheer ay raacdo ugu jirtay kooxda PSG saxiixa weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez waxayna markale dooneysaa inay u dhaqaaqdo suuqa furmi doono bisha January ee soo aadan, laakiin waxay loolan aad u adag ay kala kulmi doonaan Manchester City iyadana dhankeeda dooneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa laacibka ree Chile si ay u go’aamiyaan saxiixiisa.

Laakiin laacibka ayaa qeyb ka ah shuruudaha uu kaga baxayo kooxda Gunners inuu u dhaqaaqo koox awood badan ee ku guuleysan karta koobab maadaama uu doonayo in inta ka hadhsan xirfadiisa kubada cagta uu ku guuleysto tartamo muhiim ah hadiiba uu ka baxayo Gunners.

Si kastaba macalinka ree Spain ee Pep Guardiola ayaa doonaya in markale uu dib ugu laabto raacdada uu ugu jiro Alexis Sanchez si ay u wada shaqeeyaan markale, kadib markii ay kasoo wada shaqeeyeen Barcelona sanadii 20011, laakiin sida uu qorshihiisu yahay ayaa ah in xidigan uu lasoo saxiixdo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Dhinaca kale PSG ayaa qarka u fuushay inay lasoo saxiixato Alexis Sanchez xagaagii lasoo dhaafay, laakiin wadahadalada labada dhinac ayaa kusoo idlaaday qaab fashilan kadib markii ay kooxda ree france saxiixyada Neymar Jr iyo Kylian Mbappé ay ku bixisay aduun dhan  400 milyan oo euros.

“Mirror” ayaa wuxuu sharaxay in kooxda Paris Saint-Germain ay mar labaad dib ugu soo laabatay rabitaankeeda ku aadan Sanchez, si ay kaga dhigato badalka Edinson Cavani oo isna xiliyadii lasoo dhaafay ay jireen khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay isaga iyo Neymar Jr.

Si kastaba Faa’iidada ka dhalan karta dagaalka ku saleysan Alexis Sanchez ee u dhaxeeya kooxaha dalalka Ingariiska iyo Faransiiska ayaa ah inuu ka qeyb gali karo kulamada bug baxda tartanka Champions League hadii labadan kooxood midkood uu gacanta ku dhigo saxiixiisa, maadama ay sanadan Arsenal qeyb ka aheen UEFA Champions League.