Kooxaha Manchester City Iyo Barcelona Oo Ugu Dambayn Jawaab Ka Helay Kooxda Ajax & Qiimaha Ay Ku Heli Karaan Frankie De Jong Oo Lagu Wargeliyay.

Kooxda ree Holland ee Ajax ayaa ugu dambayn war siisay dhigeeda Manchester City iyo Barcelona isla markaana ku wargelisay qiimaha ay tahay inay ka bixiyaan da’yarka Yurub oo dhan laga doonayo ee Frankie De Jong.

De Jong ayaa 18-kii bilood ee ugu dambeeyay soo bandhigay bandhigyo cajiib ah waxaana la fahamsan yahay inuu haatanba qorshaha ugu jiro kooxaha City, Barca iyo xataa Real Madrid.

De Jong is understood to be City's top midfield target. EFE

Sida laga soo xiganayo wargeyska The Mirror, Manchester City oo haatan baadi goob weyn ugu jirta xiddig khad dhexe ah ayaa bar-tilmaameedka koowaad ka dhiganaysa De Jong  oo ay la dhacsan yihiin hanaankisa ciyaareed isla markaana u arkaan mid ku haboon qaabka Guardiola.

Ajax ayaa Citizens iyo Blaugrana u sheegtay inay bixiyaan aduun dhan 75 Milyan haddiiba ay doonayaan inay saxeexa 21 jirkan mustaqbalka weyn leh la saxeexdaan xagaaga dambe.

Haddiiba ay kooxda Guardiola oo qabta baahi khad dhexe oo ka badan midka Barca ay go’aansato bixinta lacagtaas waxa ay ku qasbanaan doontaa inay jabiso rekoodhka suuqa ee kooxdeeda oo ay hore ugu jabisay Riyad Mahrez oo 60 Milyan ku jooga.

Citizens oo suuqii xagaaga ku hungoobay inay lasoo saxeexdaan Jorginho ayaa la filayaa inay markan waxkasta u samayn doonaan si ay u helaan bedelka Fernandinho oo 33 jir ah iyo Yaya Toure oo hore kooxda uga hayaamay.

Si kastaba ha ahaatee, Barca oo iyadu kalsooni weyn ku qabta inuu xiddigani dhinacooda kusii biiri doono sidii uu hore u sheegay ayaa la filayaa inay tartanka ku adkayso City.