Kooxaha Liverpool & Bayern Munich Oo Barbaro Gool La’aan Ah Ku Galay Anfield, Allianz Arena Oo Wax Walba Lagu Go’aamin Doono Iyo Bavaria Oo Halistii Anfield Road Ka Badbaaday.

Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich ayaa kulan xiiso badan oo Anfield ku dhex maray waxay ku kala baxeen barbaro gool la’aan ah iyada oo Bayern Munich awooday in ay ka badbaaday halistii iyo cabsidii ay ka qabeen Anfield wuxuuna ahaa kulan adag isla markaana ay labada kooxood dagaal xoogan ku soo bandhigeen.

Bayern Munich ayaa shaqo wayn ka qabtay difaaca kooxdeeda iyoda oo Javi Martinez uu noqday xidiga bandhiga layaabka leh sameeyay ee si xoogan u hortaagnaa afarta difaaca ah ee Bayern Munich waxayna Liverpool iska lumisay fursada ay goolal ku sii dhashan kartay balse in aan wax gool ah looga dhalin Anfield ayaa iyaduna muhiimad wayn u lahayd.

Liverpool ayaa kulanka lugta labaad dib u heli doonta Virgil Van Dijk halka Bayern Munich uu ka maqnaan doono Joshua Kimmich kaas oo kaadh digniin ah kulankan ku qaatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BAYERN (4-3-3): Manuel Neuer; Joshua Kimmich, Niklas Sule, Mats Hummels, David Alaba; Thiago Alcantara, Javi Martinez, James Rodriguez; Serge Gnabry, Robert Lewandowski, Kingsley Coman.

Kaydka: Franck Ribery, Rafinha, Alphonso Davies, Sven Ulreich, Lars Lukas Mai, Renato Sanches, Mertian Shabani.

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Fabinho, Andrew Robertson; Georginio Wijnaldum, Jordan Henderson, Naby Keita; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: James Milner, Daniel Sturridge, Alberto Moreno, Adam Lallana, Simon Mignolet, Xherdan Shaqiri, Divock Origi.

Bayern Munich ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ciyaarta ugu bilaabtay waxayna Liverpool ku abuurtay walwal badan iyada oo kooxda Reds si gaabis ah ciyaarta ugu soo laabtay. Bayern Munich ayaa markiiba ahayd kooxda boosishanka iyo kubbad haynta kaga sare martay Liverpool.

Bilawgii ciyaata Liverpool ayaa u muuqatay mid shaki badan ka qabtay difaaca kooxdeeda waxayna masuuliyad badan iska saareen sidii ay difaacasho u wada samayn lahaayeen marka ay Bayern Munich kubbada haysato laakiin waxaa markiiba la dareemay kalsoonidii uu Van Dijk siinayay Liverpool.

Daqiiqadii 13 aad Matip ayaa kooxdiisa Liverpool musiibo ku noqon gaadhay kadib markii uu isku dayay in uu iska saaro karoos uu soo tuuray Serge Gnabry laakiin Matip ayaa arkay kubbada oo uu si toos ah ugu darbeeyay goolkiisa waxayna ku dhacday goolhaye Alisson kaas oo asturay ceebtii uu Matip la kulmi lahaa.

Daqiiqadii 17 aad goolhaye Alisson ayaa markiisa khal khalay wuxuuna la daahay kubbad uu haystay wuxuuna cadaadis xoogan saaray Matip oo jaho wareer ku bilawday laakiin kubbada ay Thiago iyo Coman cadaadiska ku saareen Liverpool ayaa ugu danbayn si cidhiidhi ah lagu badbaadiyay.

Daqiiqadii 28 aad Bayern Munich ayay dhibaato wayni soo gaadhay kadib markii aadhka digniinta ah loo taagay Joshua Kimmich kaas oo qalad ku galay Sadio Mane wuxuuna seegi doonaa kulanka lugta labaad ee Allianz Arena.

Daqiiqadii 32 aad Liverpool ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee gool cadaan ah ay ku dhalin kareen kadib markii ay Firmino iyo Keita kubbad fiican soo ciyaareen laakiin Sadio Mane ayaa isaga oo talaabo u jira goolka Bayern waxa uu la jeedsaday kubbad uu goolkan ku dhalin karayay laakiin waxa uu arkay darbadiisa oo uu birta wax yar u martay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid cajiib ah oo labada goolhaye shaqada loogu yeedhay waxaana daqiiqadii 36 aad fursad fiican helay Grabry kaas oo Alisson ku qasbay in uu kubbad iska badbaadiyay waxayna Bayern heshay koornayaal xidhiidh ah oo ay fursado ku abuurtay.

Liverpool ayaa ugu danbay lugaha si fiican dhulka ula heshay waxaana ciyaarta si fiican u akhristay, Wijnaldum, Firmino, Keita iyo Henderson waxayna Liverpool bilawday in ay cadaadis saarto Bayern Munich.

Laakiin wax walba oo ay labada kooxood Anfield ka sameeyeen qaybtii hore ee ciyaarta ayay awoodi waayeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan waxaana lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah balse ciyaarta ayaa ahayd mid wax walba oo kale lahayd.

Markii layskugu  soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo qaab ciyaareedkii layaabka lahaa ku sii socda waxaana markiiba ay Liverpool heshay fursad gool dhalineed iyada oo Robertson uu kubbad ku qabtay xerada ganaaxa Bayern laakiin Salah ayaa lumiyay fursada uu kubbada goolka ugu darbayn lahaa.

Laakiin Bayern Munich ayaa bilawday in ay hoos u dhigtay weerarkii ay goolka Liverpool ku haysay waxayna awooda badan saartay in ay difaacasho iyo kubbad hayn isku darsato halka Liverpool ay markan noqotay kooxda weerarka badan ku ciyaaraysay balse ay kubbad hayntu ku yarayd.

Daqiiqadii 76 aad Klopp ayaa laba isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna saaray laba ka mid ah ciyaartoydii Liverpool ugu fiicnayd oo ahaa Roberto Firmino iyo Naby Keita wuxuuna ciyaarta soo galiyay James Milner iyo Divock Origi waxayna ahaayeen isbadalo su’aal la galiyay.

Liverpool ayaa dhamaadkii ciyaarta culays badan saartay Bayern Munich laakiin waxaa wali Reds ka maqnayd qaabkii ay ku dhalin lahayd goolka furitaanka ama ay uga faa’iidayn lahayd fursadaha ay ku abuurayeen xerada ganaaxa Bavaria.

Daqiiqadii 85 aad jamaahiirta Liverpool ayaa bilaabay inay u dabaal degaan goolka furitaanka laakiin waxay arkeen darbo madax duulaysa oo uu Sadio Mane ku qabtay goolka Bayern Munich oo uu Manuel Neuer si cajiib ah iskaga badbaadiyay.

Dhamaadkii ciyaarta Bayern Munich waxaa garoonka u soo galay Ribéry, Renato Sanches iyo Rafinha waxaana la saaray James Rodriguez , S. Gnabry iyo Coman laakiin ciyaarta ayaa noqotay mid ay adag tahay in gool la dhaliyo iyada oo difaaca Bayern Munich uu qaybtii labaad shaqo wayn qabtay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah iyada oo wax walba lagu go’aamin doono kulanka lugta labaad ee Allianz Arena waxayna Bayern Munich noqotay kooxdii ugu horaysay ee waqti dheer kadib Liverpool ka joojisay in ay kulan Champions League ah oo Anfield lagu ciyaarayo ay gool gool la’aan ku baxday. Allianz Arena ayaa noqon doona halka lagu go’aamin doono kooxda wareega xiga u soo bixi doonta.