Koox Cusub Oo Aan Barcelona Ahayn Oo Soo Gashay Tartanka Kylian Mbappe & Real Madrid Oo Wadnaha Farta Ku Haysa!!.

Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay qorshaynayso heshiis ay ugu dhaqaaqayso da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe kaddib markii ay ku fashilantay loolankii Neymar oo ay isla Paris ka doonaysay xagaagan.

Bianconeri waxa ay PSG miiska u saareen heshiis ka koobnaa 100 Milyan oo lagu daray weeraryahan Paulo Dybala si ay uga helaan Neymar oo ay doonayeen inay ku mataaneeyaan Neymar balse Paris ayaa iska diiday heshiis ciyaartoy is dhaafsi.

Juventus ayaa tartanka Neymar kula jirtay Barcelona iyo Real Madrid waxaana la filayaa inay tartanka Mbappe-na la gali doonto isla labadaad kooxood iyadoo waliba Madrid ay tahay kooxda loo badinayo inay waxkasta u samayn doonto.

Wargeyska CalcioMercato ee fadhigiisu yahay dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Juve ay doonayso Mbappe halkii ay markale kaga laaban lahayd tartankii Neymar.

Warbixintan ayaa sidoo kale shaacinaysa in madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu cabsida ugu weyn ka qabo in saxeexa Kylian ay ku garaacdo Juventus walow ay kooxdiisu tartanka hoggaaminayso.

Los Blancos ayaa faa’ido ku qabta xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay dhigeeda Paris Saint-Germain waana sabab kale oo ay niyad samaan ugu dareemi karaan inay tartankan kaga adkaan doonaan labada kooxood ee kale.

Dhawaan ayay ahayd markii warar soo baxay ay sheegeen in heshiiskii Neymar ee xagaaga oo dhan soo socday wadahadaladiisii Barcelona loogu sheegay inaysan xagaaga dambe usoo dhaqaaqi karin dhinaca Mbappe taas oo fursad gaar ah u ah Real Madrid.