KOOBKA ADDUUNKA: Brazil Waxay Cashar Ka Baratay Bahdilaaddii Koobkii Adduunka Ee 2014

Xulka kubadda cagta waddanka Brazil ayaa halgankooda Koobka Adduunka ee sannadkan ka bilaabi doona ciyaar ay Axadda jilbaha isku dari doonaan waddanka Switzerland, taas oo ay u baahan yihiin inay guul weyn ka gaadhaan si ay usoo celiyaan kalsoonidii ka luntay tartankii hore. Kulanka xiga waxay iskaga hor iman doonaan Costa Rica oo ay ku wada ciyaari doonaan magaalada Saint Peretsburg.

Brazil oo shan jeer ku guuleysatay Koobka Adduunka ayaa sannadkii 2014 waxay la kulmeen ceeb kaddib markii uu xulka qaranka Jarmalku ku dhuftay 7-1, wakhtigaas oo lagu ciyaarayey waddankooda hooyo.

Haddaba, laacibka khadka dhexe ee qaranka Brazil ee Paulinho ayaa aaminsan in guul-darradaas ceebta ahayd ay u noqotay cashar ay wax ka barteen oo ay ka faa’iidaysan doonaan sannadkan.

“Wixii aanu qabanay ee tegay waa inaanu dhinac iska dhigno.” Sidaas ayuu yidhi Paulino oo ay da’diisu tahay 29 jir.

“Waxa aanu haysanaa kalsooni weyn, sida hadda ay xulka qaranka Brazil wax ugu socdaannna waa in kalsoonidoodu wanaagsan tahay.” ayuu yidhi.

Paulinho waxa uu carrabka ku adkeeyey inay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen Koobka Adduunka sannadkan, waxaanu yidhi: “Brazil si wanaagsan wanaagsan ayey ugu diyaar garowday dhawr siyaabood. Waa qayb kubadda cagta ka mid ah, afar sannadood ka hor wixii dhacayna waa cashar aanu wax badan ka baranay.”