Klopp vs Pochettino: Saacado Kahor Final-ka UEFA Champions League, Halkan Kaga Boggo Isbar-Bardhiga Xogta Labadan Tababare Ee Waayahooda Liverpool Iyo Tottenham.

Waxa caawa la ciyaari doonaa kulanka ugu weyn kubadda cagta heer kooxeed waxaana balan leh kooxaha ree England ee Liverpool iyo Tottenham oo ku balansan Spain caasimadeeda Madrid gaar ahaan gegida dhawaan dhiska ah ee Wanda Metropolitano.

Kulankaas ayaa noqon doona mid ay saamaynta ugu weyn yeelan doonaan labada tababare ee kooxahaas kala horkacaya ee Jurgen Klopp iyo Mauricio Pochettino kuwaas oo midkasta koobkan doonayo markiisii ugu horreysay abid.

Klopp ayaa khibrad ahaan ka weyn Pochettino waxaana uu halkan oo kale soo gaadhay sanadkii hore iyo waliba sanadkii 2013 walow laba jeerba uu guuldarro xambaartay.

Pochettino ayay markiisii ugu horreysay abid u tahay inuu halkan soo gaadhay sidoo kale kooxdiisa Tottenham ayaa markeedii ugu horreysay ku macsuuman kulanka Final-ka CL.

SIDOO KALE AKHRISO:  Muxuu Jurgen Klopp Ka Yidhi In Garsoore Dumar Ahi Ay Dhex Dhexaadin Doonto Kulanka Finalka UEFA Super Cup?

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa xogta labada tababare ee Pochettino iyo Klopp iyo waliba waxa uu midkasta soo diiwaan gashaday mudada uu soo hoggaaminayay kooxdiisan.

Aan ku bilawnee tababaraha ree Argentina ayaa ka kulamo badan dhigiisa ree Germany waxaana uu Pochettino soo hoggaamiyay Tottenham 275 kulan halka uu Klopp macalinka Reds soo ahaa 207 kulan.

Dhinaca guulaha ay labadan macalin soo gaadheen kulamadaas oo heerka boqoleyda ah ayaa ah in Pochettino uu soo guuleystay 56% halka Jurgen uu kulamadaas soo guuleystay 57%.

Tottenham ayaa inta Pochettino soo hoggaaminayay soo dhalisay 525 gool halka ay soo qaabileen 290 gool dhinaca kale Klopp iyo Liverpool ayaa soo dhaliyay 422 gool halka ay 204 shabaqooda u ogolaadeen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Guuldaro Kala Kulmay Da'yarka Daliisa Ee João Felix, Iyo Da'yarka Oo Muujiyay Sababtii Lacagta Waalida Ah Looga Bixiyay.

Ugu dambayn, Dhinaca bixinta lacagaha iyo kharash garaynta kooxahooda ayuu Klopp lacag ka badan mida uu Pochettino kusoo horumariyay Tottenham bixiyay, Reds ayaa mudada Klopp suuqa galiyay 389 Milyan halka ay Tottenham wakhtiga Poch bixisay 263 Milyan.