KHURAAFAAD: Xiddigaha Xulka France Oo Aaminsan In Sabab Khuraafaad Ahi Ay Ka Dambayso Guulaha Xulkooda Ee Koobka Aduunka & Xiddigaha Les Bleus Oo Dhacdadan Sameeya Bilawga Kulan Kasta.

Waxa daaha laga qaaday sabab khuraafaad ah oo ay ciyaartoyda xulka France u aaminsanyihiin inay tahay sababta guulahooda isdaba jooga ah ee koobka aduunka oo ay haatan ka gaadheen Final-ka, Les Bleus ayaa ka adkaaday xulka Belgium habeenimadii salaasada si ay u gaadhaan Final-ka tartankan ka soconaya dalka Ruushka.

Haddaba sababta ay xiddigaha France aaminsanyihiin inay ka dambayso guulahooda ayaa ah inay taabtaan oo ay salaaxaan shaarubaha daafaca dhexe ee xulkooda ee Adil Rami kaas oo isagu inta badan keyd ka ah xulkaas isla markaana aan muhiim ka ahayd shaxda tababare Didier Deschamps.

Antoine Greizmann ayaa lagu sheegay inuu yahay shaqsiga bilaabay sheekada ah in shaarubaha Adil Rami uu salaaxo isaga oo u arka barako ay guul ku helayaan waxaana ay sheekadani soo bilaabantay kulamadii Group-yada markaas oo ay France noqotay kooxda kaalinta koowaad kaga soo baxday Group-keeda, Dhacdada ayaana noqotay mid sii fida iyadoo ilaa ay ugu dambayn dhammaan safka Les Bleus gaadheen heer ay salaaxaan gadhka Rami ciyaarkasta kahor.

Grezimann ayaa markale ku kacay dhacdadaas kahor kulankii siddeed dhammaadka ee Uruguay markaas oo ay ugu dambayn ku adkaadeen 2-0, Weeraryahanka Belgium waxuu markale dhacdada sameeyay qaybtii nasashada ee kulankii Belgium.

Adil Rami oo ah shaqsiga khuraafaadkan shaarubihiisa lagu samaynayo ayaa ah mid aan wali matalin xulkiisa isaga oo keydka ugu jira daafacyada Raphael Varane & Samuel Umtiti kuwaas oo ilaa haatan bandhigyo caalami ah kalasoo muuqanaya tartankaas.