Khubarada Ciyaaraha Ee ESPN Oo Muran Xoogan Aloosay, Qiimayn Ay Ku Kala Sameeyeen Mohamed Salah Iyo Raheem Sterling & Sida Ay Dhammaantood Iskugu Raaceen In Sterling Ka Horreeyo Salah.

Khubarada muuq baahiyaha ESPN ayaa sameeyay qiimayn muran xoogan dhalin karta kaddib kala doorasho layaab leh oo ay ku sameeyeen xiddigaha kooxaha Manchester City iyo Liverpool ee Raheem Sterling iyo Mohamed Salah.

Salah ayaa xilli ciyaareedkii hore soo dhaliyay 44 goo, tartamada oo dhan waxaana ay noqotay wadada uu u maray abaalmarino badan oo shaqsi ah sida inuu ku guuleystay xiddiga sanadka ee horyaalka Premier League.

Taa bedelkeeda, Sterling ayaa ku mashquulsanaa inuu rekoodho la jabiyo kooxdiisa Man City oo qaab farshaxan leh ku hanatay horyaalka isla markaana uu Raheem ku helay amaan badan.

Iyadoo xilli ciyaareedkan ay horyaalka si xoogan ugu tartamayaan City iyo Liverpool ayuu Sterling halkiisa kasii waday horumarka uu ku hoos samaynayo tababare Pep Guardiola.

Dhinaca kale Salah ayaa isla sida xilli ciyaareedkii hore dilaa ugu ah goolka hortiisa isaga oo hoggaanka gool dhalintii uu hore u hantay haatan la wadaaga Sergio Aguero oo ay min 17 gool leeyihiin.

Haddaba, Mar wax laga weydiiyay khabiirada ESPN xiddiga ay labadaas xiddig haatan xulan lahaayeen ayay si buuxda iskugu raaceen inay dooran lahaayeen Sterling iyaga oo kasoo horumariyay Salah oo xilli ciyaareedkii hore inta badan caalamka ka yaabsaday.

Xiddigii hore ee Liverpool ee Steve Nicol ayaa ugu horreynba yidhi “Wakhti xaadirkan waxaan odhan lahaa Sterling, Sterling waxa uu ciyaartiisa u qaaday heer kale, Taabasho, Awood iyo aragti”

Dhinaca kale, Khabiirka horyaalka Ligue 1 ee Julien Laurens ayaa yidhi “Waxaan filayaa inuu wax aad u badan siiyo kooxda City, Haddii ay tahay goolal, caawimo amaba abuuris waxaanan wali filayaa inay jirto horumar weyn oo uu samayn karo”

Dhinaca kale Craig Burley ayaa isaga oo Sterling u adeegsanaya sidii uu u dhibaateeyay Azpilicueta kulankii toddobaadkan yidhi “Azpilicueta waa midka joogtayn ahaan ah daafaca midig ee ugu fiican dalka (England), Muu garayan haddii uu xidho isaga (Sterling), Haddii uu kahor yimaado, Isaga orod kumuu qaban karayn”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.