Khilaafka Karim Benzema Iyo Madax Waynaha Xidhiidhka Kubbada Cagta France Ee Noël Le Graët Oo Sii Socda Iyo Benzema Oo U Jawaabay.

Madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta France ee Noël Le Graët ayaa markale ka cadhaysiiyay Karim Benzema isaga oo soo hadal qaaday ganaaxa laga saaray xulkiisa sanadihii ugu danbeeyay laakiin Benzema ayaan jeclaysan in uu magiciisa ka maqlay Noël Le Graët oo ay hore si wayn iskugu soo khilaafeen arinta ganaaxa xulka laga saaray.

Madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta France ee Noël Le Graët ayaa sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii Karim Benzema ee xulka qaranka France balse Benzema oo qoraal baraha bulshada u mariyay Noël Le Graët ayaa u sheegay in uu magiciisa iska ilaawo.

Karim Benzema ayaa sidoo kale waxa uu jawaab adag u qoray wakiilkiisii hore ee Noel kaas oo uu ku eedeeyay in uu soo gaba gabeeyay waayihiisii ciyaareed ee xulka qaranka France wuxuuna u sheegay in haddii uu awood leeyahay uu FIFA codsi u qoro si uu xul kale ugu ciyaari karo.

Ugu horayn madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta France ee Noël Le Graët isaga oo Karim Benzema ka hadlaya yidhi: “Anigu waxba kagama soo horjeedo Karim, markasta si fiican ayuu kooxda ula dhaqmayay, laakiin waxaan filayaa in ay uga dhamaatay kooxda qaranka”.

Karim Benzema oo xusuusan wixii soo kala maray le Graet ayaa bartiisa twitterka ugu soo jawaabay wuxuuna soo qoray: “Mr. Le Graet, waxaan kaa dalbanayaa in aad aniga iska kay ilawdo oo aad kaliday ii dhaafto, France waa Championska aduunka taasina waa muhiim, waxa kale waa bilaa micno, waad mahadsan tahay”.

Karim Benzema ayaan doonayn in uu magiciisa ka maqlo Le Graet oo uu arko in uu ka mid yahay shaqsiyaadka sababta dhabta ah u ahaa in aanu xulka qarankiisa u ciyaarin sanadihii ugu danbeeyay iyada oo aan xataa lagu soo cadayn kiiskii lagu soo eedeeyay.

Dhinaca kale Benzema ayaa si adag ugu jawaabay wakiilkiisii hore ee Noel kaas oo uu eedayn wayn u soo jeediyay wuxuuna soo qoray: “Noel waxa uu haddaba soo gaba gabeeyay waayihii ciyaareed ee caalamiga ahaa ee Benzema, waxa uu sheegay June, haddana markale ayuu sheegay. Maxay tahay sababta aad ku dareemayso in ay qaladkaaga ahayd? U qor FIFA oo u sheeg in uu koox kale u ciyaaro si aan u aragno in ay run tahay in ay dhamaatay”.