KHILAAF: Taageereyaasha Liverpool Oo Isku Khilaafay Midabka Maaliyadda Kulamada Dibedda Oo La Soo Bandhigay

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa soo bandhigtay dharka ay ku ciyaari doonto kulamada martida ee xili ciyaareedka soo socda ee 2018/19, kaas oo jamaahiirtu aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyeen.

Liverpool ayaa kulamada garoonkeeda ku ciyaari doonta midabka ay caanka ku tahay ee casaanka, hase yeeshee, kulamada dibedda ee ay martida tahay oo sannad walba ay midab ka dhigto, ayaa waxay xili ciyaareedkan ka dhigtay inuu noqdo midabka loo yaqaano PURPLE, kaas oo si rasmi ah loogu soo bandhigay iyadoo ay xidhan yihiin ciyaaryahannada kooxdu.

Reds oo xili ciyaareedka soo socda ku tartami doonta afar koob oo kala ah Premier League, Champions League, FA Cup iyo League Cup ayaa ciyaaraha aanay garoonkeeda joogin xidhan doonta dharkan, hase yeeshee taageereyaasha ayaa aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyey, waxaana iyagoo adeegsanaya baraha bulshada ay intooda badan ku doodeen in aanay munaasib ku ahayn kooxda.

Mid ka mid ah taageereyaasha fikirkooda ka dhiibtay oo dumar ah ayaa waxay sheegtay in Liverpool ay doonayso inay sii xejisato James Milner, dharkana isaga dartii looga dhigay midabkaas.

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah aragtiyihii kala duwanaa ee jamaahiirta