Khamri Ayuu Cabaa, Sigaar Ayuu Cabaa, Wuu Xanuunsanayay Haddana Waxa Uu Qabsaday Old Trafford – Xaaladii Qasnayd Ee Uu Marco Verratti Ku Jiray Kahor Kulankii Xalay Oo La Sharaxay.

Marka laga yimaado in kooxda Paris Saint-Germain ay Old Trafford u safartay iyada oo ay ka maqan yihiin Neymar iyo Cavani haddana waxa ay wali muujiyeen bandhig cajiib ah oo guul u hor seeday.

Goolal ka kala yimid da’yarta Presnel Kimpembe iyo Kylian Mbappe ayaa u xaqiijiyay kooxda ree France inay yihiin kuwa ku gacanta sarreeya kulan kamid ahaa habeenada waaweyn ee kubadda cagta Yurub.

Kaddib maqnaanshaha Neymar iyo Cavani, Ciyaartoyda kale ee kooxda ayay khusaysay inay kor u kacaan oo ay dunida iyo kooxaha ree Yuruba tusaan waxa ay yihiin waxaana sidaas sameeyay ciyaartoy uu kamid yahay Marco Verratti oo habeen weyn qaatay.

Verratti qudhiisa ayaa maalmo kahor kasoo laabtay dhaawac uu qabay lamana filanayan inuu ciyaari doono saacad iyo wax ka badan balse waxa uu ciyaaray 75 daqiiqo isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray in PSG ay hoggaan faa’ido ah kala tagto Old Trafford.

Qaab ciyaareedka Verratti ayaa dad badan yaab geliyay waxaana kamid ahaa wariyaha ree France ee Julien Laurens kaas oo kulanka kaddib banaanka keenay xaalada iyo hab nololeedka fajaca leh ee Verratti.

Laurens ayaa sheegay in ugu horreynba uusan Marco ahayn taam buuxa isla markaana uu ku darsaday inuu in badan toddobaadkii hore kasoo xaf-ladeeyay dhalashadii Neymar sidoo kalena uu yahay mid khamri iyo sigaar cabis leh.

“Aniga ahaan waa Verratti, Sababtoo ah ma uusan ahayn taam, Sababtoo ah ma uusan ahayn 100%, Sababtoo ah kaliya hal kulan ayuu ciyaaray bishii hore” Laurens ayaa u sheegay BBC markii la weydiiyay xiddiga uu u arko midkii ugu bandhiga wacnaa.

“Toddobaadkii hore waxa uu ka xafladaynayay ilaa lixdii subaxnimo dhalashadii Neymar, Sababtoo ah sigaar ayuu cabaa, Sababtoo ah khamri ayuu cabaa, Wuu baxaa ku dhawaad maalin kasta oo toddobaadka ah”

“Marka uu kasoo dhalaalo kulan sidan oo kale ah caawa (xalay) Old Trafford, Waxaan filayaa inay kaliya tahay mid xiiso badan”