Khadka Dhexe Kooxda AS Roma Kevin Strootman Oo Sheegay In Cristiano Ronaldo Uu Yahay Xidig Wanaagsan Ee Sameyn Kara Farqi.

Laacibka reer Netherland iyo kooxda Roma Kevin Strootman ayaa wuxuu xaqiijiyay in kabtanka xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ee dhawaan ku biiray kooxda kubada cagta ee Juventus uu yahay xiid aad u wanaagsan, laakiin kooxda ay ka muhiimsan tahay.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa ku xaqiijisay shabakakadeeda rasmiga ah ee in gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxdeeeda Cristiano Ronaldo uu ku biiray naadiga Juventus ee dalka Talyaaniga isla markaana xili ciyaareedka soo aadan uu xidhan doono maaliyada Bianconeri.

Cristiano Ronaldo oo 33 jir ah ayaa ugu dhaqaaqay kooxda kubada cagta ee Juventus aduun dhan 100 million euros, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis gaarsiisan ilaa iyo 2022 isla markaana uu sanadkii ku qaadan doono aduun dhan 30 million euros.

Hadaba Kevin Strootman oo ka hadlay heshiiska Cristiano Ronaldo uu ugu dhaqaaqay kooxda Juventus wuxuuna yidhi: “Ronaldo xaqiiqdii waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, inuu ku biiro Juventus waxay aad ugu fiican tahay horyaalka dalka Talyaaniga, laakiin waxaa jira kooxo badan ee ku tartamaya horyaalka”.

Strootman ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Cristiano Ronaldo wuxuu awoodaa inuu sameeyo farqi, laakiin ma noqon doonto xili ciyaareedka oo dhan inuu sidaas sameeyo, laakiin kooxda ayaa ka muhiimsan, waxaan diirada saari doonaa kooxda Roma si aan ugu guuleysano koobka horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga”.