Khabiirka Sky Sports & Kubbada Cagta Spain Ee Guillem Balague Oo Faah Faahin Buuxda Ka Bixiyay Wararka Real Madrid La Xidhiidhinaya Xidiga PSG Ee Neymar Jr.

Maalin kasta oo jimce ah khabiirka Sky Sports iyo kubbada cagta Spain ee Guillem Balague ayay jamaahiirt kubbada cagta aduunku su’aalo badan ka waydiiyaan dhacdooyinka kubbada cagta iyo suuqa kala iibsiga ee dalkiisa Spain, wuxuuna bixiyaa xog badan isaga oo su’aalahan kaga jawaaba barta twitterka Sky Sports ee horyaalka La Liga, waxaana sidoo kale lagu daabacaa shabakada Sky Sports.

Haddaba su’aalihii maanta oo jimice ah Guillem Balague la waydiiyay waxaa ka mid ahayd wararkii xooganaa ee Neymar Jr la xidhiidhinayay kooxda Real Madrid wuxuuna bixiyay sharaxaad buuxda oo uu ku muujiyay sida ay xaaladu tahay iyo waxa abuuray wararkii saxaafada ee Real Madrid sida wayn ula xidhiidhinayay Neymar jr.

Khabiirka kubbada Cagta iyo Sky Sports ee Guillem Balague oo ka jawaabaya wararka suuqa ee Neymar la xidhiidhinaya Madrid ayaa yidhi: ” Waxaa jira laba arimood oo ka socda Neymar Jr, tan hore waxay tahay in Real Madrid ay wax walba oo awoodeeda ah ayay u samaynayso si ay PSG cadaadis ugu saarto in ay iibiso”.

Guillem Balague oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: ” Iyagu ma doonayaan in ay iska iibiyaan wax qiimo ahna may dul dhigin, laakiin waxaa soo ifbaxday tirada €260 milyan euros waxayna ka timid Real Madrid. Waxay isku dayayaan in ay wareejiyaan fikrada ah in isagu uu iib yahay, laakiin arintu sidaa ma aha”.

Intaa kadib Guillem Balague ayaa ka hadlay wararka saxaafada Faransiisa ee Neymar wuxuuna yidhi: ” Saxaafada Faransiiska waxaa ka jirta sheekooyin badan oo ku saabsan in Neymar aabihii uu isaga u dhigay qorshihii uu PSG kaga saari lahaa. Waxa xiisaha lihi waxa uu yahay in PSG ayna waxba ka maqal Neymar Snr ama Real Madrid ee mustaqbalkiisa”.

Guillem Balague ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Dadka ku dhaw Neymar Snr (aabaha Neymar jr) waxay ku adkaysteen in aanu isagu waxba samaynayn si uu iskugu dayo in uu meesha ka soo saaro (Neymar), ma jirto ujeedo uu Neymar ku baxayaa”.