Khabiirka Sky Sports & Kubbada Cagta Spain Ee Guillem Balague Oo Cadeeyay In Kooxaha Chelsea Iyo PSG Ay Xidhiidh La Sameeyeen Luis Enrique.

Khabiirka Sky Sports iyo kubbada cagta Spain ee Guillem Balague  oo si joogto ah uga warbixiya dhacdooyinka ugu muhiimsan ee kubbada cagta dalkiisa Spain ayaa shaaciyay in kooxaha PSG iyo Chelsea ay xidhiidh la sameeyeen macalinkii hore ee kooxda Barcelona ee Luis Enrique.

Guillem Balague oo maqaal uu waxyaabo kala duwan kaga hadlay ku qoray shabakada Sky Sports ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Tababarihii hore ee Barcelona waxaa la soo xidhiidhay dhex dhexaadiyaal ku hadlayay magaca Chelsea iyo PSG. Isaga waxay u noqon doontaa wax xiiso badan oo madax xanuun ah, sababtoo ah, dabcan waxa uu doonayaa koox xaqiiqdii wax walba u tartami karta”.

Guillem Balague oo muujinaya in Luis Enrique uu PSG ku dooran karo fursadaha ay koobab ugu guulaysan karto ayaa yidhi: “Waa wax iska cadaan ah in doorashada PSG ay siinayso isaga fursada uu koobab ugu guulaysanayo, laakiin xaalada Chelsea waxa uu waqti dheer  isku diyaarinayay suurtogalnimada uu Premier league ku tagayo”.

Guillem Balague ayaa cadeeyay in Luis Enrique uu baranayay luuqada Ingiriisida isla markaana uu isaga u sheegay sida uu u xiisaynayo Premier league wuxuuna yidhi: “Isagu waxa uu waqti baranayay Ingiriisida, wuxuuna aniga waqti hore ii sheegay in uu xiiso u hayo Premier League, laakiin wali mustaqbalkiisa lama go’aamin”.

Guillem Balague ayaa meesha ka saaray wararkii sheegayay in Arsenal ay qayb ka tahay loolanka loogu jiro Enrique wuxuuna yidhi: “Anigu maan maqal dalab Arsenal ka yimid, dabcan waxa uu musharax u noqon karaa haddii meesha laga saaro Arsene Wenger, laakiin anigu ma filayo in ay wali heerkaas gaadheen. Wax xiiso badan ayay Luis Enrique u tahay marka ay noqoto cida isagu uu u tagi doono, laakiin waxaa ka go’an in uu markale shaqeeyo xili ciyaareedka soo socda haddii ay xaaladuhu sax noqdaan”.

Luis Enrique ayaa xili ciyaareedkan nasasho ka qaadanaya mashquulkii badnaa iyo xaaladii adkayd ee uu Barcelona koobabka badan ugu soo hogaamiyay waqtigii koobnaa ee uu Camp Nou maamulayay wuxuuna hadda u dhexeeyaa Chelsea iyo PSG inkasta oo hore loo soo qaaday magaca Arsenal.