Khabiirka Sky Sports Ee Charlie Nicholas Oo Saadaaliyay Kulamada 26-Aad Ee Premier League-Chelsea Vs Man United Ayuu Gacanta Sare Siiyay?

Advertisements

Markii ugu horaysay taariikhda premier Leauge waxaa laga soo laabanayaa fasaxa jiilaalka ee ay ciyaartoyda kooxaha Premier League todobaadkii ugu danbeeyay ku soo jireen, waxaana saadaashii looga bartay bixiyay khabiirka Sky Sports ee Charlie Nicholas.

Advertisements

Kulan kasta oo la ciyaaro hadda ilaa dhamaadka xili ciyaareedku waxa uu saamayn wayn ku yeelan karaa tartanka kaalmaha sare ee Champions League iyo Europa League loogu soo baxayo si la mid ah kaalmaha hoose ee horyaalka looga hadho.

Kulanka ugu xiisaha badan kulamada 26 aad waa kulanka Stamford Bridge ku dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Manchester United waana kulan saamayn toos ah ku yeelan kara kaalinta afraad ee kooxaha badan u ordayaan.

Charlie Nicholas ayaa guul muhiim ah u saadaaliyay kooxda Frank Lampard ee Chelsea wuxuuna tilmaamay in Blues ay 2-1 ku garaaci doonto Man United.

Dhinaca kale Charlie Nicholas ayaa aaminsan in Liverpool ay 4-1 ku gumaadi doonto kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee Norwich City.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayuu sidoo kale guulo u saadaaliyay Charlie Nicholas kuwaas oo la ciyaari doona kooxaha Newcastle United iyo Aston Villa sida ay u kala horeeyaan.

Saadaasha Charlie Nicholas Ee Kulamada 26 aad ee Premeir League.

Kulanka Jimcaha

Wolves 3-2 Leicester City

Kulamada Sabtida 

Southampton 1-0 Burnley

Norwich 1-4 Liverpool

Kulamada Axada

Aston Villa 2-3 Tottenham

Arsenal 3-1 Newcastle United

Kulanka Isniinta

Chelsea 2-1 Manchester United

Advertisements