Khabiirka Sky Sports Ee Charlie Nicholas Oo Saadaaliiyay Natiijooyinka Kulamada FA Cupka Iyo Premier League-Ayuu Guulo U Saadaaliyay?

Khabiirka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa saadaal ka bixiyay natiijooyinka laga filan karo kulamada todobaadkan ee FA Cupka iyo Premier league iskugu jira. Kooxaha qaar ayaa ciyaari doona kulamada FA Cupka halka kooxaha aan ku jirin tartankani ay sii wadan doonaan dagaalka Premier league.

Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay natiijooyinka kulamada siddeed dhamaadka tartanka FA Cupka iyo waliba qaybta kulamada Premier league ee la ciyaari doono isaga oo kooxo badan ka sii farxiyay.

Khabiirka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa barbaro 1-1 ah ku saadaaliyay kulanka adag ee ay Chelsea la ciyaari doonto kooxda Everton taas oo haddii ay dhacdo jug wayn ku noqon doonta rajada ay Bues ku doonayso kaalinta afraad ee Premier league.

Laakiin Charlie Nicholas ayaa aaminsan in Liverpool ay 3-0 ku duban doonto kooxda Fulham kadib wixii ay Bayern Munich ku soo sameeyeen.

Saadaasha Charlie Nicholas Ee Kulamada Premier League Ee Todobaadkan:

West Ham 3-0 Huddersfield

Burnley 1-1 Leicester

Bournemouth 3-2 Newcastle

Fulham 0-3 Liverpool

Everton 1-1 Chelsea

Dhinaca kale Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay kulamada siddeed dhamaadka FA Cupka wuxuuna tilmaamay in Man City ay xasuuqi doonto kooxda Swansea City laakiin waxa uu sheegay in Man United ay tartankan ka soo hadhi doonto isaga oo Wolves u saadaaliyay in ay rekoodhayaal ku soo bixi doonaan.

Saadaasha Charlie Nicholas Ee Kulamada FA Cupka Ee Todobaadkan:

Watford 1-2 C Palace

Swansea 1-4 Man City

Wolves 2-2 Man Utd (90 ka daqiiqo) – Wolves ayaa rekoodhaal ku soo bixi doonta.

 Millwall 1-2 Brighton