Khabiirka Sky Sports Ee Charlie Nicholas Oo Saadaal Layaab Leh Ka Dhiibtay Kulamada Ay Kooxaha Premier League Ka Ciyaari Doonaan Champions League Toddobaadkan & SADDEX Kooxood Oo Uu Guul U Diiday.

Khabiirka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa dhiibtey saadaashiisa joogtada ah ee uu ka bixiyo kulamada ay kooxaha Premier League ka ciyaari doonaan toddobaadkan tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee Champions League.

Saadaasha Nicholas ee toddobaadkan ayaa ah mid uu layaab weyni ku dheehan yahay kaddib markii uu guul uga dhaartay saddex kamid ah afarta kooxood ee tartanka u matalaya England kulamada caawa iyo habeen dambe la ciyaari doono.

Napoli v Liverpool

Charlie Nicholas ayaa saadaashiisa ka dhiibtay kulankan holaca ah ee ka qabsoomi doona San Paulo Stadium markaas oo ay Liverpool martin doonto kooxda Carlo Ancelotti ee Napoli, Khabiirka ayaa aaminsan in Reds ay sii wadan doonaan guul la’aanta ay ku jireen kulamadii ugu dambeeyay isaga oo u rajeeyay bar-bar dhac 1-1 ah.

Manchester United v Valencia

Kooxda Manchester United oo maalmihii ugu dambeeyay ku jirta xaalad qalalaase ah oo aan fiicnayn ayaa markale caawa soo dhawayn doonta Valencia, Nicholas ayaa qaba in Red Devils iyo Jose Mourinho ay xaaladu kusii xumaan doonto isla markaana ay bar-bar dhac min 1 gool ah la geli doonaan kooxda ree Spain.

Tottenham v Barcelona

Kulankan ayaa ah midka ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee toddobaadkan, Barcelona oo maalmihii ugu dambeeyay u dhibtoonaysa natiijooyin aan qurxoonayn ayaa booqan doonta Tottenham, Charlie Nicholas ayaa saadaaliyay in Barca ay ka bixi doonta dhibta isla markaana ay 2-3 ku garaaci doonto Spurs.

Hoffenheim v Manchester City

Citizens waa kooxda kaliya ee uu Charlie qabo inay noqon doonto mida kaliya ee guul ka gaadhi doonta afarta kooxood ee ree England, Khabiirka ayaa saadaaliyay inay kooxda Guardiola oo marti ku ah Germany ay guul 1-3 ah kaga soo kaban doonto niyad jabkii kusoo qabsaday garoonkeeda kulankii furitaanka ee UCL.