Khabiirka Mark Lawrenson Oo Saadaashiisa Kulamada 24aad Ee Premier League Guul Uga Dhaartay Liverpool, Manchester United Iyo Arsenal – Akhriso Saadaasha Khabiirka Oo Dhamaystiran

Advertisements

Horyaalka Premier League ayay toddobaad gudihii mar kale kooxaha Ingiriisku isku haleelayaan, waxaana ciyaarta ugu weyn ku ballansan Chelsea iyo Arsenal oo garoonka Stamford Bridige isku haleeli doona caawa.

Liverpool oo hoggaanka horyaalka sii dheerataysatay Axaddii markii ay ku durdurisay Manchester United ayaa Khamiista marti u noqon doonta kooxda soo garaacday kooxaha waaweyn ee Wolves, laakiin waxa ka horreyn doona kulamada kale ee natiijooyinkoodu saamaynta yeelan doonaan ee Manchester United oo qaabili doonta Burnley oo Axaddii karbaashtay Leicester City, Tottenham oo qaabilaysa Norwich City, Everton oo maraysa imtixaankii Chelsea qabsaday Sabtidii marka ay maanta martigeliso Newcastle United iyo Manchester City oo u tegaysa kooxdii Arsenal jilbaha dhulka u dhigtay ee Sheffield United.

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson ayaa saadaashiisa kulamadan, waxa uu ku sheegay in Liverpool ay guulihii xidhiidhka ahaa ka kala gu’i doonaan marka ay u tagto Wolves oo ay barbarro soo geli doonto, laakiin waxa uu natiijo xun ugu sii bushaareeyey taageereyaasha Arsenal oo uu u tilmaamay in ay haddaba iskaga joogaan safarka ay ku tegayaan Stamford Bridge.

Manchester United iyo Burnley ayuu Mark Lawrenson tibaaxay inay dhibcaha ku qaybsan doonaan Old Trafford, laakiin waxa uu ka farxiyey tababare Carlo Ancelotti oo uu u saadaaliyey guul 2-0 ah oo uu ka gaadhi doono Newcastle United marka ay ugu timaaddo Goodison Park.

Manchester City oo barbarro 2-2 ah Sabtidii la gashay Crystal Palace ayuu khabiirtu xusay inay kusoo laaban doonto jidka guusha marka ay u tagto Sheffield United.

Saadaasha khabiirka oo dhamaystiran

Salaasada

Aston Villa 2-0 Watford

Bournemouth 2-1 Brighton

Crytal Palace 2-1 Southampton

Everton 2-0 Newcastle

Sheffield United 0-2 Manchester City

Chelsea 2-0 Arsenal

Arbacada

Leicester City 2-1 West Ham

Tottenham 2-1 Norwich

Manchester United 1-1 Burnley

Khamiista

Wolves 1-1 Liverpool

Haddaba akhriste, adiguna saadaali kulamada 24aad ee horyaalka Premier League oo farriintaada ku reeb halka hoose ee fikir-dhiibashada, kaddib dhamaadka ciyaarahana dib u hubi haddii ay saadaashaadu seegtay natiijada dhabta ah.

Advertisements