Khabiirka Lagu Ixtiraamo Suuqa Kala Iibsiga Ee Guillem Balague Oo Dhinac U Riday Wararka Pep Guardiola Ee Juventus & Siday Wax U Jiraan Oo Uu Sheegay.

Khabiirka kubadda cagta Spain ee ka hawl gala Sky Sports ee Guillem Balague ayaa ka hadlay wax ku saabsan wararka tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola la xidhiidhinaya kooxda haatan tababare la’aanta ah ee Juventus.

Pep ayaa si layaab leh loo sheegay inuu uga baxayo kooxda uu kusoo najaxay ee Man City dhammaadka xilli ciyaareedkan oo uu u wareegi doono dhinaca kooxda Juventus.

Wararka ka imanaya saxaafada dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Guardiola uu heshiis afar sano ah la gaadhay Bianconeri kaliya maalmo kooban kaddib markii uu Sky Blues ku hoggaamiyay saddexleyda koobabka maxaliga ah.

Khabiir Balague ayaa sheegay in Guardiola uusan bedel u noqon doonin Maxi Allegri isaga oo dhinaca kale sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo uu u kordhinayo Manchester City.

Guillem Balague ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo daabacay “Warka Pep iyo Juve, Isagu (Guardiola) waxa uu joogayaa Man City, Wax fikrad ah kama haysto halka ay wararku ka imanayaan, Laakiin wax run ahi kuma sugna iyaga”

“Xaqiiqdii waxa lasoo daabacay inuu joogay Malpensa, Marka xaqiiqdii halka uu joogay ay ahayd baska Manchester, Si kastaba wax run ahi kama jirto in heshiis cusub laga wada xaajooday sidoo kale”

Guardiola oo kahor Final-kii FA Cup-ka u warramay saxaafada ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay inuusan tagayn Juventus iyo Talyaaniga balse uu ku faraxsan yahay City oo uu sii joogo doono.

Hadalka Pep ayaa ahaa “Imissa jeer ayay tahay inaan sheego?, Anigu ma tagayo Juventus anigu uma dhaqaaqayo Talyaaniga”

“Anigu halkan ayaan ku faraxsanahay, Anigu meelna ma tagayo, Xilli ciyaareedka dambe waxaan noqon doonaa tababaraha Manchester City, Marar badan ayaa sheegay”

Iyadoo uu sidaas Guardiola kaga baxayo liiska tababaryaasha u furan Juventus ayay tahay in kooxdan ay gaadho go’aanka ay ku magacaabayso tababaraha xiga ee rumaynaya riyooyinka kooxdeeda ee Champions League ugu horreeyo.