Khabiirka BBC Sport Ee Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Natiijooyinka Kulamada Wareega Kowaad Ee Heerka Groupyada Koobka Aduunka Iyo Xulalka Uu Guulaha U Saadaaliyay.

Maanta waxaa si rasmi ah magaalada Moscow ee dalka Russia uga furmi doona koobka aduunka waxaana la filayaa in ay noqon doonto xaflad wayn oo qurux badan taas oo lagu xusuusan doono marti galinta Russia ee koobka aduunka. Waqtigii la sugayay ayaa ugu dhawaan soo dhamaaday waxayna jamaahiirta kubbada cagtu heli doonaan tartan xiiso badan oo ay heerka kooxaha ku sii sugi karaan.

Khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson oo looga bartay in uu si joogto ah xili ciyaareedka oo dhan u saadaaliyo natiijooyinka kulamada Premier league ayaa markale la soo kala baxay buugiisa saadaasha koobka aduunka isaga oo dhamaan kulamada wareega kowaad ee heerka groupyada koobka aduunka saadaaliyay.

Mark Lawrenson ayaa guul 2-0 ah u saadaaliyay marti galiyaasha koobka aduunka oo kulanka ugu horeeya maanta la yeelan doona Saudi Arabia waxa kale oo uu guul 1-0 ah u saadaaliyay xulka qaranka Uruguay oo uu Egypt la ciyaari doona waxay dhamaantood ka tirsan yihiin group A.

Khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa guul 1-0 ah u saadaaliyay xulka xaalada qalalaasaha ah galay ee Spain ee kulanka Group B ay ugu furan doonaan xulka qaranka Portugal halka natiijo barbaro gool la’aan ah uu u saadaaliyay Marocco iyo Iran.

Dhiaca kale Mark Lawrenson ayaa guul 2-0 ah u saadaaliyay xulka qaranka France oo la ciyaari doona Australia, wuxuuna isla natiijo taas oo kale ah u saadaaliyay xulka qaranka Argentina oo la ciyaari doona Iceland.

Haddaba akhriste halka si buuxda ugaga bogo saadaasha natiijooyinka khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson ee kulamada wareega kowaad ee heerka groupyada Koobka aduunka oo dhamaystiran:

Russia 2-0 Saudi Arabia

Egypt 0-1 Uruguay

Morocco 0-0 Iran

Portugal 0-1 Spain

France 2-0 Australia

Peru 1-2 Denmark

Argentina 2-0 Iceland

Croatia 1-0 Nigeria

Costa Rica 0-0 Serbia

Brazil 2-0 Switzerland

Germany 1-0 Mexico

Sweden 1-1 South Korea

Belgium 2-0 Panama

Tunisia 0-2 England

Colombia 1-0 Japan

Poland 1-0 Senegal

Hadda akhriste , haddii aad si buuxda uga soo bogatay saadaasha khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson ee kulamada wareega kowaad ee koobka aduunka, markaaga ma saadaalin kartaa natiijooyinkan oo dhamaystiran?.

1 Comment

Comments are closed.