Khabiirka BBC Sport Ee Mark Lawrenson Oo Saadaaliyay Finalka UEFA Champions League Natiijada Koobka Lagu Kala Qaadi Doono Iyo Laba Shaqsi Oo La Tartamaya.

Khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa xili ciyaareedka oo dhan saadaaliyay dhamaan kulamada Premier league, FA Cupka iyo tartamada kooxaha Yurub, waxaana la soo gaadhay waqtigii uu saadaal ka bixin lahaa finalka Champions League.

Mark Lawrenson ayaa looga bartay in uu wax badan ka saxo saadaasha uu xili ciyaareedka oo dhan ka sameeyo kulamada kubbada cagta gaar ahaan Premier league, wuxuuna sii shaaciyay natiijada uu filayo in koobka loogu kala guulaysan doono.

Khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa saadaasha finalka Champions League kula tartamaya laba shaqsi oo kale kuwaas oo ah laba taageere oo kooxaha Tottenham iyo Liverpool kala ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Ka Sheekeeyay Sababta Dhabta Ah Ee Uu Jecaylka Xad Dhaafka Ah Ugu Hayo Macalinkiisii Hore Ee Zinedine Zidane.

Mark Lawrenson ayaa saadaasha finalka Champions league kula tartamaya Jack Savidge oo taageere u ah kooxda Tottenham iyo  Felix Martin oo isna Liverpool taageera.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa saadaasha khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson iyo waliba saadaasha labada taageere ee kale ay ka bixyeen finalka Champions League.

Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay in Liverpool ay guul 2-1 ah ka gaadhi doonto Tottenham isla markaana ay ku guulaysan doonto koobka UEFA Champions League, waana natiijo la sugayo haddii uu ku guulaysan doono saadaashiisa.

Laakiin labada shaqsi ee Mark Lawrenson kula tartamaya saadaasha finalka Champions League ayuu  Felix Martin oo Liverpool taageere u ahi isla natiijadan ku saadaaliyay in ay Liverpool ku garaaci doonto Tottenham wuxuuna saadaaliyay in Reds ay 2-1 ku guulaysan doonto.

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababare Thomas Tuchel Oo Neymar Ka Quustay, Philippe Coutinho Oo Uu Iska Diiday In Heshiiska Neymar Lagu Daro & Ciyaartoyga Uu Barca Ka Doonayo Oo La Ogaaday.

Laakiin Jack Savidge  ayaa saadaaliyay in Tottenham ay 3-1 la mid ah finalkii xili ciyaareedkii hore guul kaga gaadhi doonto Liverpool.

Saadaasha Finalka Champions League

Mark Lawrenson- Tottenham 1-2 Liverpool

Jack Savidge – Tottenham 3-1 Liverpool

Felix Martin- Tottenham 1-2 Liverpool

Haddaba akhirste, adigu ma saadaalin kartaa natiijada laga filan karo finalka UEFA Champions League ee Tottenham iyo Liverpool? Saadaasha sare miyaad filaysaa in ay tahay saadaasha ugu dhaw?

8 Comments

  1. lacib cawa sadasheyga sfcn u firiya ciyaarta waxa ay ku dhamanee liverpol oo gool ku bilawaneyso kadib 4:2 ayaa Liverpool looga badi doona

  2. Tottenham Hotspur 1-4 Liverpool ayay ku dhamaaneysaa Salah & Mane & wijnaldam iyo Firmino ayaa kala dhalinaayo goolasha

    • Tottenham v Liverpool 5=3 ha liga qoro Liverpool maha naadi nasiib leh iyo towabare qumay aan dhihi karoo London liga daginaa Chelsea v Tottenham dheeli doonaan super cupka yurub

  3. Marka la eego wixi sannadkan ka dhacayay CL
    Waxa kobka qadi dona totenham incha allah
    Waliba si mucjiso ah tot 2 liv 1

Comments are closed.