Khabiirka BBC Sport Ee Garth Crooks Oo Markale Soo Laabtay Iyo Shaxda Kooxdiisa Todobaadka 13-Aad Ee Premier League-Miyay Kooxdaada Ciyaartoy Ugu Jiraan?

Waa markale iyo kulamadii 13 aad ee Premier League iyo xulashada shaxda kooxda Premier League ugu fiican ee khabiirka BBC Sport ee Garth Crooks kaas oo xili ciyaareedka oo dhan soo diyaariya todobaad kasta kooxda ugu fiican ee uu ka sameeyo 11 ka xidig ee ugu bandhiga fiicnaada horyaalka Premier league.

Garth Crooks ayaa ka mid ah khabiirada kubbada cagta ee sida buuxda diirada ugu haya kulamada Premier league si uu xogta kulamada uga helo shaxda kooxdiisa todobaadka ee Premier League taas oo kadib kulamada lagu daabaco BBC Sport.

Todobaadkii labaad oo xidhiidh ah waxa uu Garth Crooks gabi ahaanba shaxdiisa ka sifeeyay ciyaartoyda kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Arsenal inkasta oo ay Arsenal waliba guul ka soo gaadhay Bournemouth balse muu jiri hal ciyaartoy oo Crooks uu qaab ciyaareedkiisa si buuxda ugu qancay oo uu xidighaa kale ka soo hor marin karo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababare Frank Lampard Oo Farxadii Ugu Weyneyd Dareemaya & LABA Ciyaartoy Oo Muhiimad Weyn U Leh Shaxda Chelsea Oo Dhaawac Kasoo Kabtay.

Taas badalkeeda kooxaha Manchester City, Tottenham iyo Liverpool ayaa noqday kooxaha shaxdan ka helay ciyaartoy balse Crooks oo aan magcyada waa wayn oo kaliya qiimaynta ku samayn ayaa qaabkan shaxdiisa todobaadka 13 aad u soo xushay.

Goolhayaha- Wayne Hennessey (Crystal Palace)

Aan soo qaadano goolhayaha uu Garth Crooks todobaadkan shaxdiisa ku soo bilaabay waana goolhayaha kooxda Crystal Palace ee Wayne Hennessey kaas oo door muhiim ah ka qaatay in kooxdiisa C.Palace ay barbaro la soo gashay Man United.

Goolhaye Hennessey ayaa badbaadino waa wayn ka sameeyay Anthony Martial  iyo Jesse Lingard wuxuuna qayb libaax ka ciyaaray in hal dhibic ay kooxdiisu ka soo heshay Old Trafford, isaga oo sidaa loogu soo xushay goolhayaha shaxda kooxda todobaadkan.

Afarta Difaaca Ah -Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Mamadou Sakho (Crystal Palace), Andrew Robertson (Liverpool)

Saddexda difaaca ah ee shaxda Crooks waxaa ka soo wada muuqday da’yarka kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold bandhig fiican iyo gool qurux badan kaga soo qayb qaatay guushii kooxdiisa Reds ee kulankii Watford.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xidigihii Is Muujiyay, Kuwii Fashilmay Iyo Qiimayntii Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool Iyo Norwich City Ee Kulankii Anfield.

Waxaana sidoo kale difaaca kala soo muuqday Mamadou Sakho oo Crystal Palace shaqo wayn uga soo qabtay kulankii Old Trafford laakiin waxaa cajiib ah in difaaca bidix ee Andrew Robertson uu markale sii xejistay shaxda kooxda todobaadka ee Crooks.

Khadka Dhexe –  Stuart Armstrong (Southampton), Aaron Mooy (Huddersfield), Andre Gomes (Everton), Dele Alli (Tottenham)

Afarta khadka dhexe ee shaxda todobaadka Premier League waxaa ku wada jira  Stuart Armstrong oo ka tirsan kooxda Southampton), Aaron Mooy oo u ciyaara kooxda Huddersfield oo guul dahabi ah gaadhay, laakiin waxaa shaxda kooxda Crooks ka soo muuqday Floppkii Barcelona ee Andre Gomes  oo ugu danbayn saamayn ku yeeshay Everton waxaana afarta khadka dhexe buuxiyay Dele Alli oo Tottenham shaqo wayn u qabtay kulanki Chelsea.

SIDOO KALE AKHRISO:  Ma Rumaysan Karaan Jamaahiirta Man United - Solskjaer Oo La Weydiiyay Dhammaystiraha Ugu Wanaagsan Ee Kooxdiisa & Xiddiga Uu Doortay Oo Aan Ahayn Rashford, Martial & Pogba Midna.

Saddexda Weerarka –  Son Heung-min (Tottenham), Aleksandar Mitrovic (Fulham), Leroy Sane (Man City)

Ugu danbayn Crooks ayaa saddexda gool dhaliye ee shaxda kooxdiisa weerarka ugu soo bilaabay Son Heung Min oo Chelsea xaalad xun ugu abuuray Wembley Stadium isaga oo waliba goolkii saddexaad dhaliyay waxaana weerarka kula jira Leroy Sane oo laba gool u saxiixay Man City kulankii West Ham.

Waxaana liiska shaxda kooxdan dhamaystiray gool dhaliyaha kooxda Fulham ee Aleksandar Mitrovic kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ugu danbaynka baxday rekoodhkii guuldarooyinka xidhiidhka ahaa ee ay ku soo jirtay.

Haddaba akhriste, miyay shaxdani tahay shaxda ugu fiican ee laga soo xulan karo kooxaha Premier league ee kulamadii 13 aad ee la soo ciyaaray haddii aad fursad u heshay in aad kulamadan daawatay ama xogtooda oo dhamaystiran aad heshay?