Khabiir Charlie Nicholas Oo Saadaaliyay Horyaalka Premier League Ee Toddobaadkiisa 12-aad – Kooxdee Ayuu Guul U Rajeeyay Kulanka Cidiyaha Lagu Dagaalami Doono Ee Liverpool vs Man City?

Advertisements

Khabiirka kubadda cagta England iyo kanaalka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo toddobaadkan oo ah midkiisii 12-aad ee toddobaadyadii hore ka xiiso badan yahay.

10-ka kulan ee toddobaadkan ayuu midka ugu xiisaha badani yahay kulanka ugu adag horyaalka casrigan dambe ee Liverpool vs Manchester City oo ka qabsoomi doona Anfield fiidka Axada.

Advertisements

Ugu horreynba Charlie waxa uu guul u rajeeyay kooxda Chelsea oo uu aaminsan yahay inay kulanka London Derby toddobaadkan kaga talaabsan doonto dhigeeda Crystal Palace siina wadan doonaan guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka.

Khabiirka ayaa dhinaca kale ku adkeeyay kooxda horyaalka bandhiga hoose ka samaynaysa ee Tottenham, Spurs oo dhawaan kasoo guuleystay Crvena Cvenda kulan Champions League ah ayuu aaminsan yahay inay taako kala kulmi doonto kooxda cidkasta ka yaabsanaysa ee Sheffield United.

Advertisements

Sidoo kale Charlie Nicholas waxa uu guuldarro gadhka u galiyay Arsenal oo booqanaysa kooxda awooda ciyaareed muujinaysa ee Leicester City waxaana uu aaminsan yahay in guul la’aanta Gunners ee dhawaanahani ay sii socon doonto.

Nicholas ayaa markan inay guuleystaan u rajeeyay Manchester United oo qaabilaysa Brighton Axada, Kulankan ka dhici doona Old Trafford ayuu shabaq nadiif ah iyo saddex dhibcood u saadaaliyay Red Devils.

Ugu dambayn, Kulanka la isku arkay ee guul ama geerida ah ee Liverpool vs Manchester City ayuu si siman dhibcaha ugu qaybiyay kooxaha Klopp iyo Guardiola oo uu u arko kuwo dhibcaha ku heshiin doona.

Saadaasha Nicholas Ee Toddobaadka 12-aad ee Premier League Oo Dhammaystiran

Norwich City 1-2 Watford

Leicester City 3-2 Arsenal

Wolves 2-1 Aston Villa

Chelsea 2-1 Crystal Palace

Burnley 2-1 West Ham United

Newcastle United 2-2 Bournemouth

Southampton 1-0 Everton

Man United 2-0 Brighton

Tottenham 1-1 Sheffield United

Liverpool 2-2 Manchester City

Advertisements