Kevin De Bruyne Oo Ku Sharatamay Khibrada Tababare Pep Guardiola, Kadib Marka Ay Xili Ciyaareedkan Ku Guuleysteen Horyaalka Premier League-ga.

Ciyaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Belgian Kevin De Bruyne ayaa sheegay in kooxdiisa oo labi bari kahor loo caleemo saaray ku guuleysiga horyaalka dalka England ay diyaar u tahay inay xakameyso horyaalka Premier League-ga, sanadaha soo socda uu kooxda leylin doono Pep Guardiola.

Sky Blues ayaa ku guuleesatay koobka horyaalka Premier League-ga kahor 5 kulan dhamaadka xili ciyaareedka, kadib marka ay Manchester United guuldaro 1-0 ah kala kulantay kooxda West Bromwich Albion kulankii ugu dambeeyay ee laga ciyaaray horyaalka.

Kevin De Bruyne ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay in kooxda Manchester City ay ku guuleysato horyaalka Premier League-ga markii 5-aad ee taariikhdeeda, wuxuuna si xoogan kula tartamayaa ku guuleysiga abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka dalka England xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah.

De Bruyne ayaa wuxuu ogu horeen ka hadlay macalinka reer Spain: “Dhamaanteen waan ognahay inuu ka mid yahay tababarayaasha ugu fiican aduunka, inaan ka mid noqono ciyaartoyda kooxda uu hogaaminayo, waxay naga caawin doontaa inaan sii hormarino xirfadeena kubada cagta”.

Xidiga xulka qaranka Belgian  ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Tababaraha wuxuu yimid labo sanno kahor wuxuuana bedelay gabi ahaanba qaab ciyaareedkeena, dabcan waxay ku qaadatay wakhti si uu isku muujiyo, laakiin si wada jir ah ayaan horumar u sameenay, xili ciyaareedkan waxaan guranay midhaha shaqadii aan soo qabanay”.

Kevin De Bruyne  ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Dhammaanteen waxaan dooneynaa inaan sii wadno qaabka aan u ciyaarnay xilli ciyaareedka oo dhan, si aan u sii xoogeysano, Guardiola waa qeyb weyn oo ka mid ah horumarkeena, waxaana rajeyneynaa in horyaalka uu u noqon doono gogol xaar koobab badan aan dooneyno inaan kasoo dajino kooxda Manchester City”.

2 Comments

Comments are closed.