Keena Aubameyang Oo Qaata…. – Real Madrid Oo Heshiis Xiddigo Is-Dhaafsi Arsenal Kaga Doonaysa Auba & Ciyaartoyga Ay Miiska Usoo Saartay.

Advertisements

Kooxda caasimada Spain ee Real Madrid ayaa dhigeeda caasimada England ee  Arsenal usoo bandhigtay heshiis xiddigo is-dhaafsi ah oo ay kaga doonaysa kabtanka cusub ee kooxdeeda ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Xiddiga ay Madrid doonayso inay dhinaca Arsenal u wareejiso haddiiba uu heshiis qabsoomo ayaa ah weeraryahan Luka Jovic oo suuqii xagaagii dhawaa usoo wareegay Santiago Bernabeu balse wali fursad buuxda aan helin.

Natiijada sawirka Luka Jovic Arsenal

Aubameyang ayaa la ogsoon yahay inuu gabi ahaanba meesha ka saaray wada-xaajoodkii heshiis kordhinta ahaa ee uu u samayn lahaa Arsenal isla markaana uu diyaar u yahay inuu kooxda ka baxo xagaaga 2020.

Madrid ayaa ka warqabta rabitaanka Aubameyang waxaana ay doonayaan inay miiska u saaraan saxeexa Jovic oo qudhiisa aad loo qiimeeyo mustaqbal fiicana leh.

Iyadoo heshiiska weeraryahanka ree Gabon uu Arsenal ku joogaa uu yahay mid dhacaya xagaaga 2020 ayay Arsenal ku qasbanaan kartaa inay suuqa January dhagaysato dalabaadka u imanaya si ay uga fogaadaan inay qaab xor ah ku waayaan sidii ay horeba ugu waayeen Aaron Ramsey.

Advertisements

Arsenal ayaa ka warqabta in Aubameyang uu laba arrimood oo kala ah koobab u tartamid iyo ciyaarista UEFA Champions League u baahan yahay isla markaana aysan labadaasiba u muuqan kuwo kooxda ka suurogalaya xilli ciyaareedka soo socda.

 

Advertisements