KASHIFAAD: Kadib Goolkii Gacanta Ahaa Ee Uu Thierry Henry Koobka Aduunka Kaga Reebay Ireland, Muxuu Ciyaartoydan U Sheegay? Iyo Jawaabtii Ay Bixiyeen Oo Henry Soo Bandhigay.

Dhacdooyinka kubbada cagta ayaa ah kuwo qaar ka mid ahi ay sii waaraan waqti dheer halka kuwo badan lagu ilaawo isla waqtiga ay dhacaan. Mid ka mid ah dhacdooyinka aan la ilaawi karin waxaa ka mid ah kubbadii gacanta ahayd ee uu Thierry Henry  goolka kaga dhaliyay xulka qaranka Ireland si uu xulkiisa France u awooday in waqtigaas u soo baxay koobkii aduunka ee 2010 kii

Waxay ahayd sanadkii 2010 kii markii uu Henry qabsaday ciwaanada kubbada cagta aduunka isaga oo kubbada cagta kula tacaalay intii aanu kubbada u bixin William Gallas oo dhaliyay goolkii wax go’aamiyay ee xulka qaranka France guuldarada kubaday Ierland ee lugtii labaad ee kulamadii Play-offka koobka aduunka loogu soo baxay kaas oo ka dhacay  Stade de France.

Thierry Henry ayaa soo bandhigay wixii uu ciyaartoyda reer Ireland u sheegay markii ay ciyaartani soo dhamaatay halka uu sidoo kale soo gudbiyay isla jamaahiirtuu uu ka helay ciyaartoyda uu murugada ku baday kubbadii uu gacanta u adeegsaday.

Goolkii uu Thierry Henry sababta ugu noqday gacantiisu waxay sabab u noqotay in rajadii Ireland ee u soo bixi taanka koobka aduunka oo ay sugayeen muddo 20 sanadood ahi ay burbur iyada oo ay sidaa kaga hadheen koobkii aduunkii South Africa lagu qabtay.

Thierry Henry  ayaa Canal Plus u sheeegay wixii uu ku yidhi ciyaartoyda Ireland kadib goolkii gacanta ahaa ee koobka aduunka wuxuuna  yidhi: “Waxaad ka hadlaysaa dad aan waqtiyo aad u badan garoonka kula soo qaatay.Waxaan iyaga u sheegay: ‘Haa waxay ahayd gacan, waan ka xumahay”.

Thierry Henry oo ka hadlaya jawaabtii uu ka helay ciyaartoyda reer Ireland ayaa yidhi: “Miyaad ogtahay waxay ii sheegeen? Waxay iyagu ii sheegeen: “Anagu kuma eedaynayno adiga”. Si daacad ah ayaan u la hadlay iyaga waxay ahayd mid ka turjumaysay ee kaliya sida marka aad kubbada gaadhi kari waydo ee marka xariiqda lagu garaacayo goolhayahaga”.

Thierry Henry ayaa muujiyay in ciyaartoydii xulka qaranka Ireland ay markaas fahmeen in si badheedh ah uu kubbada gacanta ugu dhuftay balse ay ahayd wixii ay iyaguba samayn lahaayeen haddii ay fursadan heli lahaayeen.