Karim Benzema Oo Ka Hadlay Bixitaankii Cristiano Ronaldo, Miyuu Aqbalay Inuu Isagu Qaado Masuuliyadii Gooldhalinta Ee CR7

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka hadlay bixitaankii Cristiano Ronaldo iyo haddii uu kaddib bixitaanka CR7 isagu yahay shaqsiga qaadaya masuuliyadii gooldhalinta ee kooxda.

Ronaldo ayaa suuqii xagaaga iska baxay Los Blancos isaga oo aduun dhan 109 Milyan ugu wareegay dhinaca Juventus waxaana ay tan iyo bixitaankii kabtanka Portugal kooxdu gashay xaalad dhibaato gaar ahaan safka weerarka oo kulamo badan oo xidhiidh ah shabaqa gaadhi kari waayay.

Benzema ayaa aqbalay inuu isagu yahay shabqsiga uu haatan cadaadisku saaran yahay isaga oo sheegay inay wakhti xaadirkan u ciyaarayaan isku duubni iyo ciyaar wadareed isla markaana ay yihiin kuwo leh nasiib ah goolal ku dhaliyaan.

Karim ayaa yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya “Haatan, Cristiano halkan ma joogo waa inaan anigu dhaliyo goolasha, Anigu wanaag aad u badan ayaan ku dareemaa kooxdan iyo safka kooxdaba, Anigu markasta waan ku faraxsanahay garoonka dhexdiisa, Inaan goolal dhaliyo oo aan gool caawin bixiyo way i farxad gelisaa”

“Waxan dareemayaa wanaag badan waxaanay ka muuqataa garoonka, Anigu waan xooganahay oo waxaan leeyahay dhiiri gelin aniga oo leh hammi”

“Sanad muhiim ah ayuu noo yahay dhammaantayo, Haatan waxaan samaynaynaa si fiican, Waxaan u ciyaaraynaa koox ahaan anaga oo leh nasiib aan goolal ku dhalino oo ka badan midkii hore”