Karim Benzema Oo Fariin Qiiro Badan Ee Macsalaameyn Ah U Diray Cristiano Ronaldo, Kadib Markii Uu Ku Biiray Kooxda Reer Talyaani Ee Juventus.

Weeraryahanka reer France iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa ku macsalaameeyay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka saaxiibkiis hore ee Cristiano Ronaldo, kadib markii uu kooxda Los Blancos kaga biiray dhigeeda Juventus suuqan xagaaga.

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa si rasmi ah ugu shaacisay shabakadeeda in xidigeeda reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu ku biiray kooxda Juventus, kaasoo ay wargeysyada caalamka ay ku tilmaameen “Heshiiska qarniga”.

Sida lagu shaaciyay warka rasmiga ah ee kasoo baxay kooxda Real Madrid kabtanka xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo oo haatan da’adiisu tahay 33 jir ayaa doortay inuu ku biiro kooxda reer Talyaani ee Juventus wuxuuna ku dhaqaaqay go’aankiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa kaga soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid aduun dhan 105 million euros, isagoo saxiixi doono heshiis gaaraya 4 sano uu sanad kasta ku qaadan doono aduun dhan 30 million euros.

Hadaba Karim Benzema ayaa wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo daabacay: “Waxaan sameynay wax kasta oo aan ku raaxeysanay 9 sanadood, waxyaabaha ugu cajiibsan xirfadeyda kubada cagta ayaa ah inaan kaala garab ciyaaray dhanka weerarka, waxaan kuu rajeenayaa saxiibkey waayo-aragnimadaada cusub iyo guul”.