Kaliya Ma Ahan Hazard Ee Waxaa Jira Xidigo Ay Riyo Dooda Tahay In Maalin Uun Ay Uciyaraan Kooxda Real Madrid Xili Qaarkood Aysan Rumeeyn Riydadooda.

Eden Hazard ayaa bilawgii isbuucan qarsan waayay sida uu jecel yahay ku biirista kooxda Real Madrid isla markaana ay riyadiisa tahay in uu maalin uu xirto maliyada Real Marid si uu u rumeeyo riyadii caruurnimadiisa blasé waxaa haatan majalada Marca ay daaha ka qaadayay in Xidiga Kooxda Chelsea oo kaliya uusan aheyn balse ay jiraan xidigo badan oo riyadooda ay tahay Madrid balse aysan wali nasiib uhelin rumeeynta riyadooda Waxaase liiska lasoo saaray ku jira xidigo waaweyn oo kubada cagta iskaga fariistay.

Xidigaha leh riyada uciyaarista Real Madrid waa kuwa aad iyo aad u badan qaar badan ayaa ku guul dareeystay rumeynta riyadooda waxana ay sidoo kale so bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo markii ay kusoo biireen saaxadda kubadda cagta iyagoo u ciyaaraya kooxo badan oo kala duwan .

Waxaa ka dhex buuxa Liiskan xidigo u ciyaaray ama uciyaara hatan Barcelona, Manchester United , iyo Juventus kuwaas oo iskeenay Santiago Bernabeu iyagoo xiran maaliyada kooxahooda si ay ugaracaan Real Madrid tiyoo ay jirto in ay maankana ku hayeen in kooxda ay qasaarada la doonayaan ay tahy kooxda ay ku riyoonayaan .

Hazard :“Madrid waa kooxda ugu weeyn aduunka been ma shegayo waxaa ay ii tahay riyo tan iyo carurnimadeeyda”

Aubameyang weeraryahanka Arsenal : <Real Madrid waa kooxda wadnaheyga,waxana ka balan qaaday awoowgeey in aan ciyaari doono ,waxaana rajeeynayaa in an rumeyn doono maalin un >2016

Robert Pirès halyeeyga Arsenal : Riyadeyda Real Madrid maalin ayay ii rumoobi doontaa waxaana donaayaa in rumeeyo. >2000

Neymar iyo Coutinho: 2008 mar wax laga weydiyay kooxda Madrid waxa ay ku jawabeen “ Real Madrid waa kooxda ugu wanagsan aduunka’Haa Real Madrid”

Falcao: Aabihii “Wiilkeeyga Riyadiisu waa Madrid tan iyo intuu yaraa ,waxa uu rabay inu u dheelo Real” >2012

Marquez Difaacii hore ee Barcelona : “waa riyo in aad u dheesho Madrid qof walbana waa uu rabaa inuu u ciyaaro iyaga> 2002

Devid Trezeguet Xidgii hore Ee Juve :<Qof walba waa uu ku riyoda xirashada funaanada la yaabka leh>2005

Lucas Moura : “in aad u dheesho maalin un Real waa Riyo’waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanagsan aduunka> 2012

Thuram Difacii Barcelona “waan jeclhy Real Madrid.>1999

Lakaku: Riyadeydu waa in an mar ka dheela Bernabeu’Madrid waa koox cajib ah> 2010

Sidoo kale waxaa xogtan aan laga reebi Karin MPepe oo ah dayar taagere u ahaa Real Madrid tan iyo markii uu yaraa in kastoo hadda uu ka tirsan yahy Psg oo ah kooxda ugu xoogan Horyaalka France.