KALA-GUUR: Jose Mourinho & Guddoomiye Ku Xigeenka Man United Ed Woodward Oo Maanta Shir Xasaasi Ah Yeelanaya & Zinadine Zidane Oo Go’aan Uu Ku Farxo Sugaya.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho iyo guddoomiye ku xigeenka kooxdaas ee Ed Woodward ayaa la filayaa inay maanta shir xasaasi ah wada qaataan iyaga oo kawada faaloon doona mustaqbalka tababarah ree Portugal iyo qorshaha ay kooxdu ka yeelatay.

55 jirkan ayaa arkayay kooxdiisa oo 3-2 uga adkaanaysa kooxda Newcastle United isla markaana soo af-jartay kulamo badan oo guul la’aan ah balse guushaas ayaan ku filnaanan waxaana aan wali kala cadayn mustaqbalkiisa Old Trafford.

Dad badan ayaa aaminsan in Zinadine Zidane oo kooxdan aad loola xidhiidhinayaa uu qudhiisu sugayo dalab kaga yimaada dhinaca maamulka kooxda walow uusan marnaba sheegin hadal uu ku shaacinayo inuu United tababari doono.

Haddaba, Iyadoo ay maanta shir la filayo in go’aan lagu gaadho ay qaadanayan Mou iyo Ed, Wargeyska ree Spain ee Marca ayaa sheegay in Zidane uu yahay shaqsiga ugu horreeya ee ka warsugi doona wararka kasoo baxa mustaqbalka tababaraha ree Portugal.

Zidane ayaan marnaba qarin xiisaha uu u qabo inuu kusoo laabto maamulka isaga oo dhawaan yidhi “Wax shaki ahi kuma jiro, Waxaan tababarida ugu soo laaban doonaa si dhakhso ah sababtoo ah waa wax aan ku raaxaysto”

Shirkan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ay kasoo baxaan go’aano lagu go’aaminayo mustaqbalka Jose Mourinho ee Red Devils iyo haddii uu sii haynayo xilka tababarenimo ee kooxda.

Ugu dambayn, Taageerayasha kooxda kuwooda aan ku faraxsanayn qaabka uu Jose wax u wado ayaa aaminsan in Zidane uu yahay shaqsiga ugu haboon ee kooxda dib usoo noolayn kara tan iyo bixitaankii Sir Alex Ferguson.