Kahor Kulankooda Toddobaadkan, Chris Smalling Oo Xiddigaha Kooxdiisa Man United U Sheegay Qaabka Kaliya Ee Ay Guul Kaga Soo Gaadhi Karaan Cristiano Ronaldo Iyo Saaxiibadiisa Juventus.

Daafaca kooxda Manchester United ee Chris Smalling oo mudooyinkii ugu dambeeyay si rasmi ah dib ugu helay booskiisii daafaca dhexe ee kooxda ayaa haatan talo ku aadan qaabka ay ku garaaci karaan kooxda Juventus hawada u mariyay saaxiibadiisa kooxda.

Man United iyo Juve ayaa dheelaya kulan ku celis u ah wareegii saddexaad ee UEFA Champions League waxaana ay markan Juventus Stadium marti ugu yihiin Bianconeri oo kulankii hore guuldaro 0-1 ah kusoo baday Old Trafford.

Man Utd news: Chris Smalling

Chris ayaa ka hadlay kulamada toddobaadkan ay la yeelan doonaan kooxaha Juve iyo Manchester City isaga oo si gaar ahaaneed u tilmaamay kulanka kooxda ree Talyaani waxaana uu saaxiibadiisa kooxda usoo jeediyay inay sameeyaan bandhigii kulankii hore ee ay Juve kala kulmeen guuldarada qaybtisii dambe ay sameeyeen.

Daafaca ree England ayaana yidhi “Waan ognahay inaan galayno toddobaad aad u xoogan imika laakiin waxaan kala iman karnaa natiijooyin wanaagsan, Waxa loo arki karaa bil wanaagsan iyada oo loo tixgalinayo mid kamid ah bilahayaga ugu adag”

“Waxaan u baahanahay inaan qaadano qaab ciyaareedkii qaybtii hore ee aynu qaadanay kulankii aan iyaga kahor jeednay ee garoonkeena, Waxaan u baahanahay inaan sidaas ka samayno garoonka kaddib waxaan iyaga la ciyaari doonaan kulan wanaagsan oo fursado aan helno”

Juventus ayaa haatan ah kooxda ugu sarreysa Group-kan waxaana ay guuleysteen dhammaan saddexda kulan ee ay soo ciyaareen iyadoo ay xusid mudantahay inay iska xaadirin karaan warreega xiga haddiiba ay kulanka todobaadkan markale ka adkaadaan kooxda Mourinho.